Ururrada Siyaasadda oo soo Dhaweeyay Go’aankii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland

0
128

Hargeya (Dawan) Ururrada Siyaasada Somaliland ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee qabashada Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH Maxamud Xaashi Cabdi ayaa waxa uu ku boogaadiyay Koomishanka Doorashooyinka cayimaada Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda. Waxaana uu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca Urur Siyaasadeedka KAAH, waxa aan si mug iyo miisaan leh u soo dhawaynaynaa go’aankii ka soo baxay Koomishanka Doorashooyinka ee ku cayimeen qabashada Doorashada Ururada Siyaasada iyo Doorashada Madaxtooyadda.waxaana aan ku boorinayaa Koomishanka Doorashooyinka go,aankaa ay qaateen ee dalka mugdiga kaga saareen,waa talaabo geesinimo oo loo baahnaa waa go,aan munaasiba.waxaana aan ka codsanayaa Xisbiyadda Mucaaradka in arintaa taageeraan oo caloosha usii daayaan”.

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal ayaa waxa uu soo dhaweeyay go’aanka Koomishanka Doorashooyinka ku cayimeen qabsoomida Doorashooyinka. Waxaana uu yidhi “Waxa aanu soo dhawaynaynaa go,aankii ay soo saareen Koomishanka Doorashooyinka,

oo aanu u aragno mid sharciya dadweynaha waxa aanu u sheegaynaa in ay u diyaargaroobaan.Doorashooyinka wixii sheegayaa dalka qaribanaya iska ilaaliyaan nabedgalyada cidna laga baryimaayo cid walba waa u dan,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Talowadaag Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa waxa uu tilmaamay in dalka u jihaystay Doorashooyinka.Waxaana uu yidhi”Go,aan taariikhiya ayaa ka soo baxay Koomishanka Doorashooyinka oo waafaqsan qawaaniinta iyo sharciga dalka u yaala,dalku waxa uu u jihaystay Doorashooyinka waxaana aanu leenahay bulshada Somaliland u diyaargarooba Doorashooyinka,”.

 

 

 

Leave a Reply