Waxgaradka Somaliland oo Taageeray Go’aankii Guddida Doorashooyinka

0
140

Hargeysa (Dawan) Madax-dhaqameedka gobollada iyo degmooyinka Dalka JSL ayaa soo dhaweeyey go’aankii Komishanka Doorashooyinka qaranku ay ku mudeeyeen Dooroshooyinka.

Madax-dhaqameedka, wax-garadka iyo labeenta gobollada Maroodi-jeex, Awdal, Gabiley, Saaxil, Togdheer iyo Sanaag ayaa si isku mida u soo dhaweeyay qabashada doorashada ururada siyaasadda, waxaanay siyaasiyiinta hanka leh u soo jeediyeen inay ku dadaalan la soo bixista xisbigooda.

Sidoo kale qaybaha kala duwan ee bulshaweynta ku nool gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa soo dhaweeyay go’aanka furista ururada ee guddida Doorashooyinka ay ku dhawaaqeen, waxaanay sheegeen in uu yimi xilligii loo baahnaa.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in doorshada ururadu ay qabsoomayso 28 December 2023, isla markaana doorashada madaxtooyadu ay dhaci doonto 13 November 2024, si loo helo sadex Xisbi oo haysta liisanka iyo shahaadada 10-sano, waxaanay golayaasha sharci dajinta ka codsaday in ay dhamaystiraan wixii qabyo ah ee ka jirta xeerarka doorashooyinka, sidookale daneeyayaasha doorashooyinka ayay ka codsaday in ay kala shaqeeyaan fududaynta doorashooyinka.

Bulshada Somaliland ayaa si wayn ugu dhag taagayay go’aankaasi ay ku dhawaaqeen Komishanka Doorashooyinka, waanay ku booriyeen go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen guddida Doorashooyinku.

Gaba-gabadii Madax-dhaqameedka reer Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay adkaynta nabadgelyada.

 

 

 

Leave a Reply