Fanka Iyo Farshaxan Xisaabeedka Guusha!

0
162

Dawladda Shiinaha ayaa sanadkii 2014, noqoday dawladaha ugu dhaqaale sareeya dunida, waxaana halkaasi ku soo xidhmay saadaal hore loo sameeyay oo ahayd in aanay gaadhi Karin dalka Maraykanka dhaqaale ahaan ka hor sanadka 2050.

Dalka Shiinaha caruurtooda marka ay gaadhaan 5 sano waxa ay baraan qaybaha ugu muhiimsan buuga “Sun Tzu” ee Fanka iyo xirfadaha dagaalka “The Art of  War” oo la qoray 2500 sano ka hor.  Marka ay caruurtu gaadho da’da 17 sano ayay shaqada qaranka ka qayb gaalaan taasi oo si  xeel dheer loo barayo xirfadaha dagaalka iyo horumarka nafta, Waxaana buugaasi qaybtiisa ugu horaysa ku qoran weedha ah “  Farshaxan xisaabeedka badani wuxu keena guusha, halka yaraanteeduna ay keento guuldarada”

Waalidiinta iyo xukuumada Shiinaha ayaa iyagoo raacaya arinkaasi xoogga saaray fal xisaabeedka, waxaana ay horseeday in sanadadii u danbeeyay dalka Shiinaha iyo dalal kale oo ka mid ah bariga fog ay kaalmaha sare ka galeen tartanka Olmibiga xisaabta ee dunida “world Mathematical Olympiad” oo sanad kasta la qabto.

Saraakiisha sare  ee ciidamada Shiinaha waxa kale oo ay bartaan lix buug oo dhamaantood kor u qaadaya tayada qofnimo iyo xeeladaha uu noloshiisa ku maaraynayo wakhtiyada nabadda iyo dagaalkaba waxaana ka mid ah buugaagta “The Three Strategies of Huang Shigong” “The Wu Zi Art of War” .

Waxa fiican in aqoonta bulshada kor loo qaado oo la baro wax kasta oo faa’iido u leh aduun iyo aakhroba iyadoo Allah (sw) la talo saaranayo. Hadalka badan ee aan qorshe iyo xikmad lahayn waxa uu horseeda niyad iyo jab iyo dib u dhac joogto ah.

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply