Qisada Ganacsiga Iyo Beenta

0
184

Nin liinta dhanaan ku iibinaya wadada dhinaceeda ayay soo maray islaan oo weydiisay in liintu ay tahay mid dhanaan?

 

Iibiyaha waxa uu mooday in aanay islaantu cunin liin dhanaanta sidaa awgeed waxa uu si degdeg ah ugu jawaabay maya, tani waa liin macaan. Immisa ayaad u baahan tahay, marwo?

Islaanta ayaa ugu jawaabtay: “Waxba uma baahni” “Waxaan rabay in aan u iibiyo liin dhanaan, wiilkayga xaaskiisa oo uur leh. Oo jeclaatay cunto dhanaan”.

 

Iibiyaha ayaa iska lumiyay iibkiisa waxaana uu ballanqaaday in aanu mar danbe sheegin doonin!

Laba maalmood ka dib, waxa u timi gabadh uur leh, waxaana ay ku tidhi: Tan aad haysaa ma liin dhanaanba?

Maadaama ay gabadhu uur leedahay waxa uu xusuustay casharkii hore, iyo in ay dumarka uurka lihi jecel yihiin dhanaanka waxaana uu si degdeg ah ugu jawaabay haa.  Isagoo ku xigsiiyay “ Imisa yaan ka iibiyaa”?

Waxaana ay ugu jawaabtay maya rabo liin dhanaan. Waxaana doonyay Liin macaan ay iisoo dirtay ninkyagii hooyadii oo aad u sheegtay laa maalmood ka hor inaad iibinayso. Marka aad badeecadda aad hasyo been ka sheegto waxa ku soo gaadhaya khasaare adigu aad sababtay oo ka iminya iiib yarida.

 

Leave a Reply