Huteelka Dalxiiska Habeenada Farxadda!

0
220

Dalka Shiinaha waxa ku yaalla Huteel aan dunnida kale ka jirin, kaas oo  u dhisan sida qalcadaha boqoraddu lahaan jireen waayadii hore. Huteelkan ayaa aad qaali u ah waxaana habeenka keliya lagu seexdaa dabaqa hoose 570 kun dirham.

Huteelka ayaa loo ekaysiiyey  arrimaha laga daawan jiray Filimada ,gaar ahaan kuwa ciyaalku daawadaan ee Cartoon-ka loo yaqaano.

Waxaana gudihiisa ku yaala dhisme weyn oo u eeg qalcadaha boqoradda, oo ka dul dhisan goob buur ah, Dabaqa sare habeenka keliya qofka seexanaya waxa uu bixiyaa lacag dhan 80,000 oo dirham.

Hudheelkan ayaa shabahaya sidii  mid khiyaali ah.

Huteelkani waxa uu ka dhisan yahay magaalo lagu magcaabo Dalian ee dalkaasi Shiinaha, taasi oo ay Qaramada midoobey ku dartay liiska 500 ee magaalo ee ugu degaanka fiican dunida ,waana magaalo raaxo loogu talo galay.

Dalxiisayaasha ayaa huteelkan u bixiyay Albeerkadii Jacaylka,

Huteelku wuxu leeyahay goobo lagu dabaasho, goobo cunto, iyo goobo kale oo  loo isticmaalo in lagu tamashleeyo,isaga oo noqday hudheelada ugu waaweyn dunnida mid ka mid ah.

Huteelkan ayaa leh 292 qol iyo 29 meelood oo goobaha fadhiga raaxada ah,waxaana habeenkii goobaha qaarkood ku kordha lacagta ,oo gaadha  77,000 dirham dabaqa hoose.

 

Leave a Reply