Xikmadaha

0
208

Carabkaaga Haku Mashqulin Isku Dirka Dadka

  • Afkaaga oo aad cunto ku mashquuliso ayaa ka wanaagsan inaad xan iyo isku dirka u adeegsato, maxaa raashinku wuxu kordhiyaa miisaankaaga, laakiin ma kordhiyo denbigaaga.
  • Qiimo ma leh qorigu marka dahabka loo eego, laakiin marka aad badda ku haligmayso waxaad qabsataa qoriga, dahabkana waad ka tagtaa, sidaa awgeed saaxiibada qofna ha lumin xataa haba ahaado looxo, qof kastaana qiimo wuu leeyahay.
  • Haddii adimadaadu ay raad kaga tagaan dhulkam carabkaaguna wuxu raad kaga tagtaa qalbigaaga, waxa guulaystay qofka aan wax dulmiyin, qofna xaman.
  • Alskendar oo boqoradii Baabul ka mid ahaa ayaa la weydiiyay: Keeba loo baahan yahay cadaalad iyo geesinimo?, waxaana uu ku jawaabay : hadaan cadaalada hayno waan ka maarmaynaa geesinimada”
  • Marka Allah (sw) wuxu ka xidhaa Albaab, adigoo murugysan ayuu ku furaa mid ka wanaagsan, laakiin dadka badankoodu waxay lumiyaan awoodooda iyagoo ka fikiraya albaabka xidhmay , halkii ay ka eegi lahaayeen albaabka furmaya

Leave a Reply