Ciidanka Qaranka oo Dhirbaaxo Kulul ku Dhuftay kooxaha Huwanta ah

0
134

Qore Khadar M. Dhako

Laascaanood (Dawan) Maleeshiyaadka Huwanta ee dagaalka iyo qalalaasaha ka wada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa shalay dagaal saddex geesood ah ku soo qaaday fadhiisimada Ciidamada qaranka Somaliland, iyada oo ciidamadu dhirbaaxo laxaad leh ku dhufteen maleeshiyaadkii soo duulay, isla markaana gaadhsiiyay khasaare baaxad leh.

Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo  ka  dhacay  Jiida  Xargaga iyo Galbeedka Laascaanood ayaa Ciidamada qaranku khasaare baaxadleh gaadhsiiyeen Maleeshiyaadka huwanta.

Ciidamada qaranka ayaa dagaalkan shangaadhi  ka gubay Maleeshiyaadka huwanta, waxaana Saddex ka mida gaadiidka  lagu gubay agagaarka  xarunta agoomaha ee Galbeedka Magaalada Laascaanood halka  labada  kale lagu gubay deegaanka Oodo  gooye ee Koonfurta  bari ee Magaalada.

Sidoo kale  waxa Ciidamada qaranka ku jabiyeen  Maleeshiyaadka huwanta Xargaga, Xarunta  agoomaha, Kaalinta ina  Jabuutaawi, Oodogooye, Darimadoobe, Buurta  Hodanka, Buurta  Sayidka, Jabka qoriga, Maraaga Baligacalaacal iyo  Masjidka Eerboodka Gambadha. waxaana jiidahaas ka soo gaadhay  Maleeshiayadka huwanta  khasaare aan la soo koobi  karin.

 

Leave a Reply