Badbaadinta Dhabta Ah!

0
136

Doonida siday dhamaan hantidiisa oo  dhan oo ay la socdeen ayuu dab qabsaday intii ay safarka badda ku jireen, waxa kaliya ee u wakhtigaasi gacanta ku haystay shandad uu ka buuxo dahab.

Markii u doonayay inuu doonida ka boodo oo badda isku tuuro si uu u badbaado madaama uu dabaasha xariif ku ah, ayuu wiil yar oo ka mid ah rakaabka uu shaadhkiisa soo jiiday. Markii uu xaga danbe eegay  wuxu: ” I gaadhsii beriga, ma aaqaano dabaasha hooyaday dabka ayaa igaga qarsoontaye “  Ilbidhiqsiyo ayay maskaxdiisu si xawli leh u shaqaysay inuu badbaadiyo wiilka yar oo shanadada dabahka iska tuuro,  iyo inuu dahabkiisa qaato oo aanu wiilka yar yar badbaabin.

Markii danbe wuxu go’aasanday inuu badbaadiyo wiilka yar oo iska tuuro shandada culus.  Markii ay beriga soo  gaadhaan isaga iyo wiilka yar ayuu miyir belay ninka maalqabeenka ahi daal awgeed waayo naftiisa iyo tan wiilka yar ayuu wada badbaadinayay.

Mar danbe ayuu soo miraabay oo isagoo wiilka yari biyo ku rusheeyay oo waarbiyay biyo qabow oo haro u dhowaday ku jiray si uu badbaadiyo noloshiisa oo halis geli lahayd haddii aanu la socon.

Wixii maalintaasi ka danbeeyay Mudadii uu noolaa oo dhan wuxu ka murugoon jiray “ Haduu markii aan dooran lahaa shanadada dabahka ahayd inuu beri hore isna dhiman lahaa. wiilka badbaadiyay ayaa agatiisa ka ahaa qof muhiim ah, Waayo waa uu badbaaiyay. Haa sidaas ayay dadku uga qiima badan yihiin hantida aad haysato.

Leave a Reply