Badhasaabka Gobolka Hawd oo Kormeer Shaqo ku soo Maray Degmada Sayla

0
181

Dawan (Sayla) Badhasaabka gobolka Hawd Ceeleeye Xuseen Aadan iyo waft uu hoggaaminayo ayaa komeer shaqo ku soo maray Degmada Sayla Bari ee gobolka Hawd halkaasi oo ay u kuur galayen xaaladda degmada iyo bulshada ku nool.

Badhasaabka gobolka Hawd ayaa waxa uu soo kormeeray xarunta Hooyada iyo dhalaanka degmada iyo sida ay u socdaan hawlaha ay degmada u qabato, sidoo kale waxa uu kormeer ku soo maray xarunta Dawaladda Hoose ee degmada Sayla iyo sidoo kala Dugsiga Hoose Dhexe ee degmada iyo ceelka riiga ah ee ay biyaha ka cabaan bulshada ku nool degmada Sayla.

Sidoo kale Badhasaabka gobolka Hawd Ceeleeye Xuseen Aadan ayaa waxa uu warbixino ka dhagaystay qaar ka mid ah Isu-duwayaasha wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha iyo sidoo kale qaar ka mid ah hawl-wadeenada caafimaad ee degmada, oo iyagu uga warbixiyay sida ay u socdaan hawlaha ay masuulka uga yihiin bulshada degmada, waxaanay Badhasaabka u sheegeen in shaqooyinka ay bulshada u hayaan ay si wanaagsan u socdaan.

Badhasaabka gobolka Hawd ayaa sheegay in safarkan uu ku yimi degmada Sayla uu yahay safarkiisii u horeeyay ee uu ku soo booqdodegmada balse aanu noqon doonin kii u danbeeyay oo uu ku soo noqon doono

Waxaanu yidhi ‘’ maanta waa kormeerkaygii kowaad ee aan ku soo gaadho degmad Sayla, kaasi oo aan noqon doonin kii u danbeeyay balse aan ku soo noqon doono, degmada Sayla waa degmo taariikhi ah, sida aan taariikhda ku tahay in badana aan maqlay, waa degmo ku suntan soo dhawaynta iyo sooryaynta, aniguna ka gudoomiye ahaan maamulka gobolka iyo dhammaan inta ila socotaba aad baanu ugu dhawnahay in aanu maanta halkan idinla joogno.

Waxaan ku noqonayaa kaliya hal qodob oo maayir ku xigeenku ka dhawaajiyay oo cashuur wadareed ah, cashuurtu aad bay muhiim u tahay wax aanay ka turjumaysaa horumarka degmada oo ay qayb ka noqon doonto, waxaanay noqon doonaa cashuurtii lagu horumarinayay deegaanada ka gudoomiye ahaan waan idin kala shaqaynayaa’’.

 

Leave a Reply