Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka oo Isugu Yeedhay Ururrada Samofalka ee Magaalada Boorama

0
162

Borama(Dawan) Wasaarada Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland ee gobolka Awdal ayaa isugu yeedhay ururada samafalka ee ka shaqeeya Magaaladda Borama.

Isu-duwaha Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka ee gobolka Awdal Cabdilaahi Iid Ibraahim ayaa Magaalada Borama kulan kula yeeshay ururada Samafalka ee ka hawl gala magaalada Borama iyo deegaanada gobolka Awdal kaasi oo lagaga tashanayaya shaqooyinka ay ururadani u hayaan bulshada iyo sidii loo socodsiin lahaa iyada oo la iska kaashanayo dawlad iyo shacaba.

Kulanka ay wada qaateen Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Awdal iyo ururada sama falka gobolka Awdal ayaa wada xaagood badan kadib waxa ay isla meel dhigeen arrimo muhiim u ah ka shaqaynta danta bulshada waxaana qodobadaasi goobta ka soo jeediyay Isu-duwaha Wasaarada Qorshaynta Cabdilaahi Iid Ibraahim

waxaanu yidhi ‘’ Maanta waxaanu xafiiska Wasaarada Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka gobolka Awdal ku qabanay shirkii Ururada Sama falka, kaasi oo ujeedadiisu ahayd in aynu ku dar-dar galino hawlaha shaqo ee ay Ururada Awdal ka dhisani qabtaan, waxa shirkani ka soo qayb galay dhammaan Ururadii ka diiwaan gashaan gobolka Awdal.

Intii uu shirku socday waxaanu ka dhagaysanay warbixino, taasi oo uu Urur walba sheegay waxa uu qabto, mashaariicda uu hayo, hawlaha uu ka fuliyo gobolka iyo qaybaha uu hawlahaasi ka hayo, sidoo kale waxa ay Ururadu soo bandhigeen shaqo aad u wanaagsan oo ah in la boggaadiyo, Ururo badan oo shaqooyin wanaagsan bulshada u hayaa ayaa halka ka soo baxay.

Gaba’gabdii shirka waxaanu isla qaadanay in kulanka Wasaarada iyo Ururada aanu soo celcelino oo mudadii ma mar la qabto, sidoo kale Ururada awaxaanu isla qaadanay maadaama oo sanadka la marayo bishii sideedaa Ururada qaarna aanay wali Ruqsadoodii dib u cusboonaysiin inay dib u cusboonaysiiyaan shuruudaha laga rabana ay dhammaan soo buuxiyaan sidoo kale waxa aanu isla qaadanay inay xafiiska u soo gudbiyaan dhammaan wax-qabadka ay sheegeen oo qoraal ah’’.

 

 

Leave a Reply