๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐˜€๐—ฎ๐—ป ๐—ซ๐—ฎ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ง๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ต๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฎ๐—ต ๐——๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—น๐—ฎ ๐—ก๐—ผ๐—ผ๐—น ๐—›๐—œ๐—ฉ/๐—”๐—œ๐——๐—ฆ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—ค๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ๐˜†

0
128

Xubinteena koowaad ee barnaamijka caafimaadka toddobaadkan, waxa aynu ku soo qaadan doona wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, qaybteeda xakamaynta xanuunka HIV/AIDS, ayaa magaalada Hargeysa ku qabatay shir ku saabsan xakameynta tacadiyada ka dhanka ah dadka la nool HIV/AIDS.

 

Wasaaradda caafimaadka Somaliland qaybteeda xakamaynta xanuunka HIV/AIDS-ka ayaa qabatay kulan lagu gorfaynayay Sidii wax looga qaban lahaa xadgudubka ka dhanka ah dadka la nool xanuunkaas.

Kullankaas waxa kale oo lagaga hadlay sidii bulshadana loogu baraarujin lahaa in ay ula dhaqmaan sida ugu haboon waxaana kulanka kasoo qayb-gelay Cusbitaalada gaarka loo leehayay iyo kuwa dawliga ah si layskugu xidho Cusbitaalada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahba.

Waxa kale oo kullankaas lagu falanqaynayay qaabka ugu haboon ee loo wadaagi karo xogta iyo Sida loola tacaalayo bukaanka laga helo xanuunka HIV/aidska.

Madaxa qaybta xakamaynta xanuunka HIV/AIDS-ka Sayd ismaaciil Xasan isaga oo ka waramay kulankan iyo ujeedadiisa hoostana ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in ay isku xidhmaan sidoo kalena wadaagan xogta iyo Khibraddaha kala duwa Cusbitaalada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahiba.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Daahir Bahdoon oo si rasmi ah u furay kulankan ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimada kulanka isagoo sheegay in ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku si guud masuul uga tahay Caafimaadka dalka, isagoo xusay ka Wasaaradd ahaan iyo sida ay u dhiirigelinayaan in la iska kaashado sidoo kalena la isku xidho xarumaha Caafimadka ee dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

 

 

 

Leave a Reply