Faa,iidooyinka Caafimaad ee uu Socodku u Leeyahay Bani’aadamka

0
241

Ugu yaraan haddii uu qofku maalintii socdo ilaa 15 daqiiqo isaga oo ujeedadiisu tahay inuu nafis ka helo, waxa hubaal ah in socodkaasi uu caafimaadkiisa wax wayn ka badelayo, jidhkiisan uu ka dareemayo caafimaad fiican, dhakhaatiirtu inta badan waxa ay dadka kula taliyaan in ay socodka badsadaan si caafimaadkoodu u wanaagsanaado, haddaba barnaamijkeenan ayaynu kaga bogganaynaa faa,iidad caafimaad ee uu socodku u leeyahay dadka.

Faa’iidooyinka laga helo socodku kuma koobna miisaan dhimista oo keliya, balse waxa ay sida oo kale wanaajisaa dabeecadda iyo dad la dhaqanka qofka, waxa ay yaraysaa sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ah, waxayna xoojisaa hal-abuurka.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa faa’iidooyinka kale ee laga helo 15-daqiiqo oo uu qofku joogteeyo in uu socdo.

Farxad:

Socodku waxa uu wanaajiyaa xaaladda nafsiga ah ee qofka iyo dabeecaddiisa, gaar ahaan marak halka la lugaynayaa ay tahay guriga dibaddiisa ama meel hawada u furan.

Tijaabooyin muddo saddex sano ah lagu samaynayey faa’iidooyinka caafimaad ee socodka ku jira ayaa lagu ogaaday qofka toddobaadkii sameeya 150 daqiiqo oo ah jimicsiyo isugu jira kubadda Golafka, teniska, dabbaasha iyo jaasta, iyo 200 oo daqiiqo toddobaadkii oo socodka in ay iskaga mid yihiin tamar badan oo isku mid ah iyo nolol iyo caafimaad guud oo wanaagsan.

Awood hal-abuurnimo oo sare:

Socodku waxa uu dhiirrigeliyaa shaqada maskaxda, taas oo bacarimisa awoodaha daahsoon ee maskaxda. Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Standford ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in socodku uu boqolkiiba 60 kor u qaado awoodda curineed iyo hal-abuur ee maskaxda.

 

 

Dheefsiga cuntada oo kordha:

Cuntada uu qofku cunayaa faa’iido badan oo caafimaad ma samaynayso, balse taas lidkeeda ayaa laga dheefayaa oo ah in miisaanku kordho iyo in xaalado caafimaad darro ay keento. Haddii aanu si fiican u shaqaynayn habdhiska dheefshiga ee qofku. Habdhiska dheefsigu waa qaybta jidka u qaabilsan in cuntada soo gasha ay u kala furfurto maaddooyinka iyo nafaqada ay ka kooban tahay, qayb kastana halka ku habboon u dirto, sida oo kalana wixii qashin ah u diyaariso in uu jidhka dhaafo.

Habdhiska dheefshiidka oo aan si fiican u shaqayn dhibaatooyinka kale ee ka dhasha waxaa ka mid ah miisaanka qofka oo kordha, dhiigkarka oo degi waaya, dufanka dhiigga oo bata, macaanka oo kor u kaca, iyo xaydha caloosha iyo tartarrada fuusha oo badata.

Daraasadaha la sameeyey waxa ay muujinayaan in socodku uu kor u qaado awoodda uu jidhku u leeyahay dheefsiga cuntada.

Cimri dherer

Socodku waxa uu leeyahay faa’iido ah cimri dherer. Sida ay caddaynayso xarunta MAYO CLINIC daraasado kala duwan oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in socodku uu qofka u yahay cimri dherer iyo in ay dib dhacaan calaamadaha gabowgu, waxa aanu u sii kala fiican yahay sida uu hadba yahay xawaaraha socodku.

Hurdo fiican

Waxa ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in qofka oo hurdo fiican helaa ay ka mid tahay arrimaha kor u qaada caafimaad wanaagga. Waxaa la aaminsan yahay saacadaha ugu fiican ee ay tahay in uu qofku seexdaa in ay yihiin siddeed saacadood, sida oo kalana hurdada u uqofku seexdaa ay u kala faa’iido badan tahay sida ay u kala taya badan tahay. Si uu qofku u seexdo hurdo tayo badan wax yaabaha sida fiican uga caawin karana uu ka mid yahay socodka, gaar ahaan noociisa tallaabo dheerayska ah.

Deggenaanshiyo

Nolosha casrigan ka jirta adduunyada ayaa aalaaba kallifta in qofku uu si joogto ah ula kulmo duruufo iyo dhacdoyin ku abuura diiqad iyo culays nafadeed oo joogto ah. Taas oo raad xun ku yeelata caafimaadka maskaxda iyo jidhka labadaba. Socodku waxa uu ka mid yahay hababka la xaqiijiyey in sida ugu dhaqsiiyaha iyo waxtarka badan loogu dejin karo qulubka, iyo dareennada nafsiga ah ee warwarku ka mid yahay.

Jimciyadda daweynta iyo daraasaynta warwarka iyo isku buuqa ee dalka Maraykanka ayaa sheegaysa in socod fudud oo 10 daqiiqo oo keliya ahi uu caafimaadka nafsiga ah ku leeyahay saamayn la mid ah, ta ay naftu ka heli lahayd jimicsi 45 daqiiqo ah.

Socodku waxa uu jidhka ka saaraa hormoonka Cortisol loo yaqaanno oo haddii uu jidhka ku bato sababa diiqad iyo daal nafsi ah.

Wanaajinta caafimaadka maskaxda

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in socodku uu u fiican yahay caafimaadka maskaxda. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda New Mexico highlands ayaa iyaguna baadhitaanno ay sameeyeen ku ogaaday in socodku uu kordhiyo burqashada dhiigga gaadhaya maskaxda, taas oo ah faa’iido weyn oo caafimaadka jidhka iyo maskaxduba si isku mid ah.

Sida oo kael socodku waxa uu ka ilaaliyaa maskaxda khatarta ah in ay ku dhacaan xanuunnada dhaawaca gaadhsiiya garaashada iyo maskaxda oo ay ka mid yihiin Alzheimer ka iyo noocyo kale oo asaasaqa maskaxda keena.

Kaar jebin

Socodku waxa uu uu si weyn u caawiyaa yaraynta xanuunka iyo kaarka badan, gaar ahaan dhabarka qaybtiisa hoose. Waxa kale oo uu qofka ka caawiyaa in uu la noolaan karo xaaladdaas dhabar xanuunka ah.

Xoojinta lafaha

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa caddeeyey in socodku uu xoojiyo lafaha, waxaana la ogyahay in xanuunka lafa burburku aanu ku dhicin lafuhu marka ay awoodda leeyahay, isla markaana ay ka nabadgalaan dhammaan dhibaatooyinka lafaha ku dhaca ee ay ka mid yihiin jabniinka, naafo nimada iwm. Habka ugu fiican ee uu qofku lafo awood badan oo caafimaad qabo ku heli karo, ayaa ay khuabrada caafimaadku sheegeen in ay tahay in uu sameeyo socod, ama orod.

Daladda caafimaadka lafaha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay qofka oo socodka wada muddo ka badan 6 bilood, ay hubaal tahay in uu helo raad togan oo caafimaad, kaas oo ay ugu horreyso in ay lafihiisu xoogaystaan.

Aragga ayuu xoojiyaa

Cilmibaadhis natiijadeeda lagu faafiyey majalad ka faalloota cilmina neerfaha, ayaa lagu ogaaday dadka sida joogtada ah ugu jimicsada hawo furani, in uu xoogaysto araggoodu.

 

Saaxiibbada oo waqti fiican lala qaato

Socodku waxa uu ka mid yahay jimicsiyada ku fiican in wadar lagu sameeyo. Waxa ay khubaradu sheegeen in ay fiican tahay in qofku uu marmarka qaarkood kelidii socdo si uu u helo fursad uu maskaxda kaga faaruqin karo hammiga.

Maadaama oo uu socodku ka mid yahay jimicsiyada wadarta lagu sameeyo waxa ay khubarada cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in uu kor u qaado galaanka uu qofku bulshada u helayo iyo sheeko wadaagga oo ka mid ah arrimaha qofka ka dejiya culaysyada nafsiga. Sidaas awgeeed socodku waa jimicsi nafta ka dejinaya korna u qaadaya bulshaawinimada qofka.

Miisaan dhimis

Socodku waxa uu jidhka ka gubaa kalooriyada oo haddii aanu jidhku iska saarin dhiirrigeliya korodhka miisaanka, kaasi oo qofka ku keena in uu noqdo qof buuran ama miisaankiisu noqdo mid culus oo caafimaad ahaan aan fiicnayd

 

Leave a Reply