Riyada Iyo Xanuunada Walbahaarka!

0
153

Waxa laga yaabaa socodka ama hadalka iyo ficilka uu qofku sameeyo inta uu hurdo inay tahay mid qosol iyo cabsiba leh. Waxase jira in  dadka xanuunkan qabaa ay marar badan galaan denbiyo dilal ah iyagoo weli hurda oo samaynaya ficilo halis ah.

Dadka ficilada sameeyaa waxay qabaan xanuunka loo yaqaan Sarnama. Waan xanuun qofku isagoo hurda haddana toosiyo oo uu samaynayo arimo aanu ogayn oo aanu u kasayn sida dilalka.

Taas waxaa sabab u ah dhowr arrimood, oo ay ku jiraan dareenka maskaxda sida walaaca iyo werwerka qofka haysta ka hor hurdada, waxa kale oo sababa unugyada maskaxda oo si khalad ah u shaqaynayay.

Culimada hurdada ayaa u qaybiyay shan qaybood, waxaana ay sheegeen in qofka ficiladan ku kacaa uu wakhtigaasi ku jiro qaybta ugu fog ee hurdada oo ah ta shanaad.

Xanuunkani waxa uu ku badan yahay dadka caruurta ah iyo kuwa qaan gaadhka iyadoo sabab looga dhigay maskaxdooda oo aan weli si  buuxda u dhamaystirmin isla markaana aan u adkaysan xamili karin arimo badan.

Qisas badan ayay dadka qaba cudurkan sameeyeen waxaana ugu caansan oo la diiwaan geliyay kuwan soo socda:

  • Dalka Maraykanka wiil yar oo 13 sano jiray ayaa hooyadii mar kasta u sheegi jiray inuu guriga ku arko dad isaga dilaya, iyo kuwo u hanjabaya.

Wiilkan ayaa habeen seexday isagoo Bunduqa aabihii yaallo meel u dhow. Subaxnimadii Bisha March 18, sanadkii 2009, hooyadii ayaa hurdada ka toosisay si uu tago dugsiga , waxaana ay ka codsatay inuu walaalkiina toosiyo inta ay quraacda u diyaarinayso. Markii ay madbakha gashay waxa ay maqashay dhowr rasaas ah oo dhacay, kuwaasi oo uu Daniel ku riday walaalkiisa ka yar oo 4 sano jiray laguna magacaabi jiray Olis  isagoo weli dhelelowsan, wiilka yar ee walaalaha ay ahaayeen waa uu dhintay.

Markiiba haddan dhinaca madbakha ayuu u soo kacay isagoo hooyadii Maria Godino laba xabadood oo rasaas ah ku riday, taasi oo uu ku dhaawacay ka dib markii rasaastii ka dhamaatay. Markiiba Bunduqa ayu tuuray waxaan uu soo qaatay Mindi. Nasiib wanaag wakhtigaasi ayuu hurdada ka baraarugay oo hoyaadii oo dhaawac ah ka dul ooyay. Waxaana uu yidhi :” Hooyo waxaan la dagaalamayay shayaadiin I dilaysay”.

Wiilkan Daneil waxa xidhay booliiska oo baadhis ku sameeyay kiiskiisa, dhakhaatiirta aya cadaysay inuu qabo xanuunka Sarnam oo unugyo maskaxdiisa ah xidhiidh la leh. Makamadda ayaa ku xukuntay 5 sano xadhig oo jeel ku yaalla gobolka Colarado ee Maraykanka si loogu nasiyo dawooyina lagu siiyo madaama aanu gaadhin da’dii sharcigu  xidhayay.

Riyooyinku waa dhacdooyin aan caqli gal aheyn, waxaana laga yaabaa in aad aragto kooxo kuu cago juglaynaya ama xayawaano ku soo weeraray sabab la’aan.

bishii January 11, sanadkii 2001 nin lagu magacaabo Antonio Nieto oo u dhashay dalka Spein da’diisuna tahay 58 sano, ayaa isagoo hurda ku riyooday Shimbiro Goryo oo halis ah oo soo weeraray sida uu sheegay. Ninkaasi ayaa toosay oo Faash uu qaatay ku dhuftay gabadhiisa, oo haddana makhsinada kale ku dilay gabadh uu seedi u ah.

Booliiska ayaa xidhay Antonio Nieto, maxkamadda ayaa dhegaysatay markhaatiga caruurta uu dhalay , kuwaasi oo mid ka mid ahi uu sheegay in aabahood habeenkaasii uu diiday inay shidaan laydhka, hooyadiina uu gaadhsiiyay dhaawac halis taasi oo muujinaysa ayuu yidhi inuu u kasay oo dareenkiisu joogay. Inkasta oo Antonio Nieto ku dooday inuu riyo ku jiray, sidaa darteed waxa lagu xukumay 70 sano xadhig ah.

Maxkamaddu waxay tixgelisay duruufaha kiiska waxaana ay xukunka ku dartay in Odayga muddo 10 sano ee xukunkiisa ugu horeeya lagu hayo xarumaha dadka maskaxda ka xanuunsaya iyo in lagu ganaaxo lacag dhan 171,000 oo Euro oo loogu talagalay dhibbanayaasha uu weerarka u geystay. Waxa kale oo intaasi raacisay in uu carruurtiisa uga soo dhowaan karin qiyaas dhan 500 mitir, si looga hortago inuu waxyeelo kale u geysto.   Qisaska kiiska xanuunada ayaa aad u badan iyadoo kuwo is yeel yeelka ahin ku dhex jiraan.

Guud ahaan xanuunadan waxa sababa isku  buuqa, werwerka iyo qofka oo ka cabsada muuqaalo aanu arkayn taasi oo xidhiidh la leh unugyada maskaxda. Sidaa darteed waa in laga fogeeya dadka xanuunada nafsaaniga ah qaba  qalabka dilalka lagu geysan karo sida Midiyaha, faashka, iyo Bastoolada iyo dhamaan hubka kala duwan.

Leave a Reply