Camalka Ugu Fadliga Badan

0
98

Saxaabiga Mucaad Binu Jabal (Rc) ayaa Rasuulka Allah (scw) weydiiyay camalka ugu fadliga badan ? Nebigu (scw) Carabka ayuu soo saaray waxaana uu ku yidhi “ Kaasi iska ilaali”. Waa muhiim in aad ka adkaato carabkaaga si aad aduun iyo aakhriba guul u gaadho. Haddii arimaha aad  sheegayso oo been ah ay muslimiinta dhib ku keento adiga ayaa denbiga qaadanaya waxaanad la mid noqonaysaa sida Shaydaanka. Qofka ama kooxda muslmiinta ah ee aad meel ka dhaca ku samaysaa waa arrin xun.

Sayid Cali Binu Abu-Dalib oo inankiisa Xasan la dardaarmayaa wuxu ku yidhi “ Xasanow carabkaaga ilaasho waayo qofka khasaarihiisu waa waxa uu carabkiisa ka yidhaahdo ee xun.  Eryada xun  iyo meel ka dhaca iyo beentu mid kastaa waxa uu qofka usoo jiidayaa dhibaato aduun iyo  mid aakhriba.

Carabkaaga ka ilaali aflagaado, ceebayn nacayb aad u qabto dadka muslimiinta ah waana inaad ka adkaato carabka si aad u guulaysto.

Leave a Reply