Baanka Somaliland Waajibaadkiisu Waa Ilaalinta Siyaasada Lacagta iyo In La soo Daabaco Noodhadh Cusubna

0
135

Qore Mawliid Aadan Cumar

Baanka Dhexe ee Somaliland sida ku cad sharciga Dastuurka Somaliland Qodobka 13.aad wuxuu Qaranka uga masuul yahay Ilaalinta Lacagta Dalka iyo Maamulkeeda Siyaasadeed.

Sidoo kale wuxu masuul uga yahay dowlada hirgalinta iyo hogaaminta Bankiyo ganacsi in dalku yeesho, Sidoo kale Baanka Dhexe Somaliland wuxu dowlada iyo shacabka Somaliland uga masuul yahay ilaalinta hantida iyo xafidaada kaydka Qaranka Somaliland.

Hadaba ujeedada qormadan oo ah talo gudbin muwaadin oo aan u jeedinayaa golaha xukuumada iyo hogaanka Baanka dhexe ee Somaliland waxan k usoo koobayaa afar qodob oo muhiim u ah tayeynta lacagta qaranka iyo ilaalinta shuruucda maaliyadeed ama dhaqaale ee dalkeena.

Qodobka 1-aad, Waxan leeyahay golaha xukuumada oo u hormood u yahay Madaxwaynaha Dalku Md. Muuse Biixi Baanka Dhexe Somaliland waajibaadkiisu waa Ilaalintii Nidaamka Dhaqaalaha Dalka iyo Xafidaada kaydka Dowlada iyo Damaanad qaadka Hantida shacabka ee Baananka Gaarka ah ee Ruqsada uu siiyey Baanka Dhexe Somaliland.

Sidaasi awgeed waxan leeyahay waa in Dhamaan Wasaaradaha iyo Hayadaha dowladu ay ku dhaqmaan Nidaam xisaabeedka Maamul ee Dowlada.

Waayo. waxa jira Wasaarado iyo Hayado Xisaabaad ku leh Baananka Gaarka loo leeyahay Taasi oo ka baxsan Nidaamka Sharci ee Dowlada.

Sidaasi Awgeed waa in xisaabiyaha guud ee dowlada iyo hantidhowrka qaranku ay hubiyaan.

Qodobka.2aad. Madaxwaynaha iyo golaha xukuumada waxaan leeyahay waxa wareegii iyo dhaqdhaqaaqii shilinka Somaliland hoos u dhigay barnaamijka Zaad iyo Edahab oo xukuumadu ogolaatey in lagu bixiyo mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada dowlada sidaasi awgeed waa in mushaharooyinka lagu bixiyo lacagta kaashka ah.

Qodobka.3aad. Madaxda Hogaanka Baanka Dhexe Ee Somaliland waxaan usoo jeedinayaa inay Sharciga ku Hogaamiyaan Baananka Gaarka ah iyo Xawaaladlayaasha dalka ka shaqeeya ee Ruqsada uu siiyey Baanka Dhexe Somaliland.

Sidaasi darteed waa in lagu kartaroolka inay ku shaqeeyan lacagta qaranka ee shilinka Somaliland. Balse hadley ku shaqeeyaan lacagaha qalaad oo kaliya waa khiyaamo qaranka waayo dalku wuxu leeyahay lacag ruqsada ruqsada Baanku siiyeyna waa in dibloogala noqdaa xawaaladlayaasha baananka gaarka ah.

Qodobka 4aad. Baanka Somaliland waajibaadkiisa shaqo waxa kow ka ah daabacaada lacagta qaranka iyo ilaalinta siyaasada iyo dhaqdhaaqa ama ku wareegista suuqyada ganacsiga ee dalka.

Sidaasi awgeed waxaan leeyahay madaxda Baanka Somaliland noodhadhka lacagta qaranka waxa ku jira noodhadh shaqaynayey 29 sanadood iyo qaar shaqaynayey 13 sanadood sidaasi awgeed waa in baanka dhexe dib uga xereeyo suuqyada ganacsiga ee dalka ganacsatadana loo bedelo lacagtaasi gabowday.

Wabilaahi Towfiiq Alaa Mahad Leh

By. Ex.Banker Mowliid Aadan Cumar

Hargaysa Somaliland

Mawliid0968@Gmail.Com

 

 

 

Leave a Reply