Ingiriiska oo sheegay inay Taageero Dhaqaale Siin jireen Jaamaacado Dalal Somaliland Qeyb ka Tahay

0
125

London (Dawan)- Xukuumadda Ingiriiska ayaa sheegay inay taageeri jireen Jaamacadaha wadammo Somaliland ka mid tahay.

Su’aal baarlamaanka Ingiriiska laga weydiiyey xukuumada inay taageerto jaamacadaha lagu barto xalinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay inuu dhamaaday mashruuca taageerida jaamacadahu.

“Annaga oo adeegsanayna barnaamijkayaga iskaashiga istiraatijiyadeed ee waxbarashada sare, hal-abuurka iyo dib-u-habaynta (SPHEIR) waxaanu taageero siinay jaamacadaha Somaliland, Kenya, Masar, Nigeria, Tanzania, Uganda, Rwanda iyo Sierra Leone.” Xildhibaan Axmed, oo laga doorto Wimbledon.

Waxaana aanu siinay taageero xalinta khilaafaadka jaamacadaha Jordan iyo Lubnaan oo taageeraya Qaxootiga Suuriya. Barnaamijkani waxa uu socday intii u dhaxaysay 2016-2022.

Hadalka xukuumada Ingiriiska ayaa la raaciyey, “Hadda wax taageero ah ma siino jaamacadaha dalalka la cayimay.

Leave a Reply