Maamulka Degmadda Salaxley Oo Xoolo Ku Caawiyay Ciidanka Qaranka JSL

0
111

Salaxley (Dawan): Maamulka degmadda Salaxley oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, ayaa caawimo xoolo ah ku wareejiyay ciidamadda qaranka JSL.

Xoolahaasi oo ahaa Geell tiradiisu dhamayd 54 neef, waxaa iska soo ururiyay dadka xoolo dhaqatadda ah ee degan deegaamadda degmadaasi, kuwaasoo noqonaya wejigii labaad ee bulshadda degmadaasi ay ku caawiyaan ciidanka qaranka.

Waxaana maamulka Salaxley, kala wareegay Geelaasi saraakiil ciidanka qaranka Somaliland ka tirsan, iyadoo na ay goob joog ka ahaayeen madashaasi badhasaabka gobolka Maroodijeex, iyo agaaaimaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiintii madashaa wareejinta caawimadaasi ka hadlay ayaa sheegay in degmada Sallaxley ay muujisay dedaal ku aadan sida ay u bar-bar taagan yihiin ciidanka Qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha degmadda Salaxley oo ka warbixinayay xoolahan ay wareejinayaan ayaa sheegay in Geelani uu noqonayo wejigii labaad ee taakuladda ciidanka qaranka, ka degmo ahaan iyo ka bulsho ahaanba.

Waxaanu yidhi “Wejigii hore ka degmo ahaan waanu ka qayb qaadanay, bulshadda degmadu. Waxaananu wareejinay 350 neef oo Adhi ah, iyo 17 neef oo Geel ahaa ayaanu ku wareejinay ciidanka qaranka. Maanta na waxaanu ku wareejinaynaa guddoomiyaha gobolka Matoodijeex, 54 neef oo Geel ah.

Bulshadda reer Salaxley, waxay kala mid yihiin dadweynaha kale ee reer Somaliland jacaylka ay u hayaan jiritaanka, iyo qaranimadda jamhuuriyada Somaliland iyo ciidanka qarankaba”.

Badhasaabka gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa bulshadda degmadda Salaxley, uga mahad celiyay taakuladan ay ciidanka qaranka ki sop caawiyeen.

Waxaanu sheegay Tiimbaro, in Geelaasi oo tiradiisu dhan tahay 54 neef, in 50 ka mid ah la gaadhsiin doono ciidanka qaranka, halka 4-ta kalena loo roobi doono ciidanka booliska.

“Geelan ay keeneen bulshadda Salaxley, oo dhan 54 neef, jananka ciidamadda ka socda waxaan ku wareejinayaa 50 neef oo Geel ah. 4 neef ee kalena waxaa loo reebay ciidanka booliska” ayuu yidhi badhsaabka gobolka Maroodijeex.

Taliyaha xoolahan la wareegay ayaa isna uga mahad celiyay bulshadda degmadda Salaxley, taakuladan ay ku soo caawiyeen ciidanka qaranka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in taakuladda ay bulshadu siinayaan ciidanka in aanay macnaheedu ahayn in ciidanka qaranku uu baahi qabo.

Balse ay u jeedadu tahay in ciidanka qaranka la tuso in ay bulshadda reer Somaliland la dareen yihiin, isla markaana ay garab taagan yihiin.

Waxaanu yidhi “Taakuladan ay dadweynaha reer Somaliland ku garab istaagayaan ciidamadda qaranka, macnaheedu maaha wax la’aan baa haysa ciidamadda.

Xukuumadeenu way ku filan tahay baahiyaha ciidanka qaranka. Laakiin, waa in aynu ciidankeena tusno in aynu garab taagan nahay, oo aynu la dareen nahay, iyo in aynu tusno in aynu wax u quudhi karno ciidankeenna”.

 

 

 

Leave a Reply