Ecuador oo noqotay meesha ay ku kulmaan ganacsiga Muuska iyo Maandooriyaha

0
123

Wadanka Ecuador waxa ku sii kordhayso in ay noqoto meesha ay ku kulmaan labada ganacsi ee u socda adduunka oo dhan: sida muuska iyo Maandooriyaha kookeynta.

Dalkan ku yaal koonfurta Ameerika ayaa ah dalka ugu badan ee loo dhoofiyo muuska waxaana uu sanadkii diraa ilaa 6.5 milyan metric ton, laakiin wadamada ay deriska yihiin ee Peru iyo Colombia, waa kuwa ugu badan ee soo saara kookeynta adduunka.

Ganacsatada maandooriyaha ayaa weelasha Kontaynarka(Container) muuska u arka gaadiidka ugu fiican ee ay ku tahriibin karaan alaabtooda.

Arrintaa tahriibinta maandooriyaha ayaa tan iyo markaas keentay rabshado ba’an oo ka dhacay guud ahaan dalkaa markaa ahaa nabad.Toogashada, dilka, afduubka iyo madax furashada ayaa  ka mid noqday nolol maalmeedka. Taasi waxay gaar u noqotay magaalada dekedda badda Baasifigga ee Guayaquil oo ah xarunta Muuska.

Dalka ayaa aad ula yaabay markii Fernando Villavicencio, oo ahaa musharax madaxweyne caan ku ahaa mawqifkiisa adag ee dambiyada abaabulan, lagu toogtay Agoosto 9. Waxa uu ku eedeeyay kooxda dambiilayaasha Ecuadorian Los Choneros iyo hogaamiyihii la xidhay inay u hanjabeen isaga iyo kooxdiisii ​​ololaha maalmo ka hor dilkiisa.

Wadankaa ayaa ku dhow dalalka soo saarista kookeynta, waxaana u fududaatay in mukhalasiinta daroogada ee Mexico, Colombia iyo kuwa dalalka Balkans ee Yurub ayaa sidoo kale hawlgal ka sameeyay Ecuador. Waxa u sii suura geliyey dalka oo isticmaalaa dollarka Maraykanka; shuruucdeeda wadanka iyo hay’adihiisuna waa daciif; sidoo kale kooxaha dambiilayaasha ee dalkaa sida Los Choneros waxay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

Sida laga helay warbixin Qaramada Midoobay Rikoodh dhan 2,304 metrik ton oo kookayn ah ayaa laga soo saaray aduunka oo dhan sanadkii 2021, badiba waxay ka timi Colombia, Peru iyo Bolivia. Ila sanadkaas, ku dhawaad ​​saddex meelood meel kookeynta ay qabteen saraakiisha Galbeedka iyo Badhtamaha Yurub waxay ka yimaadeen Ecuador, waxaanay laba jeer ka badan tahay Kookayntii la sheegay 2018.

Saraakiisha Yurub sameeyay ayaa baadhitaano ku sameeyey konteenarada sida muuska ee laga keenay Ecuador waxaana caadi noqotay in la qabto maandooriye.

25-kii Agoosto 2023 saraakiisha Spain ayaa ku dhawaaqay qabashada cocaine-tii ugu weynayd ee Spain oo dhan 9.5 metrik ton oo laguna dhex qariyay sanduuqyo muus ah oo laga keenay Ecuador kuna jira weel qaboojiye ah . Saraakiisha Holland ayaa sidoo kale sameeyay qabsashadii ugu badneyd abid ee cocaine-ta bishii Agoosto – ku dhawaad ​​8 metric ton – iyaga oo ku jira weel ay ku jiraan muuska  oo ka yimi Ecuador. Saraakiisha Giriiga iyo Talyaaniga ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la qabtay kookayn lagu qariyay mooska Ecuador sanadkan.

Ha ogaadan ama yaanay ogaan, beeraleyda muuska, kuwa dhoofiya, shirkadaha maraakiibta, mas’uuliyiinta dekedaha, shirkadaha amniga ee gaarka ah, wakiillada kastamka , kormeerayaasha dhoofinta beeraha, booliiska iyo kuwa iibsada dhammaantood waxa gacan ku leh dadka daroogada ka ganacsada.

Markii sheekadan lagu daabacay wakaaladda wararka ee Associated Press, saraakiisha beeraha iyo canshuuraha ee dalka Ecuador ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay meesha ka saareen keydkii xogta dhoofinta muuska ee ay dowladdu maamusho. Waxay meesha ka saartay macluumaadka shirkadaha dhoofinta loo arkay inay been yihiin ama aan dhamaystirnayn. Waxa kale oo ay laashay oggolaanshaha beero daboolaya 16,000 hektar oo la ogaaday in aanay waxba ka jirin.

Leave a Reply