Wiyisha Sumatran Rhino oo ka mid kuwa dabar go’aya ayaa ku dhalatay Indonesia

0
207

Wiyisha Sumatran oo dabar go’aysa, oo ah kan ugu yar uguna timaha badan shanta nooc ee wiyisha ee jira, ayaa ku dhashay Indonesia usbuucii hore meel lagu ilaaliyo, dowladdu waxay sheegtay Isniintii.

Iyada oo miisaankeedu yahay 27 kiiloogaraam (59.52 lbs.), oo weliba ah weyl dhedig oo aan weli loo magac bixin, ayaa ku dhalatay Sabtidii xarunta Sumatran Rhino Sanctuary (SRS) ee ku taal Way Kambas National Park, gobolka Lampung ee kulaylaha Koonfur-bari Aasiya.

Wiyisha yar oo ay ku daboolan yihiin timo madow, ayaa istaagtay qiyaastii 45 daqiiqo kadib dhalshadeeda. Maalintii xigtayna, waxay bilawday inay ku dhex socoto hawdka iyada oo la socota hooyadeed, sida ay  wasaaradda deegaanku ku tidhi war-murtiyeed.

Hooyadeed oo 22 jir ah oo lagu magacaabo Ratu ayaa ku suganeyd xaalad caafimaad sida ay sheegtay wasaaraddu.

Ratu waxay u dhalatay Lampung, laakiin lamaaneheeda oo lagu magacaabo Andalas, oo 23 jir ah, wuxuu ku dhashay Beerta Xayawaanka ee Cincinnati, oo ku taal badhtamaha galbeedka Maraykanka ee gobolka Ohio, laakiin waxa loo soo raray isla beerta Ratu ee Indonesia.

Lamaanahan ayaa horay u dhalay Delilah iyo Andatu oo kala dhashay sanadihii  2016 2021.

“Kani waa war farxad leh, uma aha Indonesia oo keliya balse caalamka,” ayay tidhi wasiirka deegaanka ee Indonesia, Siti Nurbaya.

Waxaa dunida ku hadhay kaliya 80 wiyisha Sumatran, iyada oo lagu saleynayo qiimeynta 2019 ee noocyada halista ah ee dowladda Indonesia.

Naasleydan, oo sidoo kale loo yaqaano magaca sayniska, Dicerorhinus sumatrensis, waa wiyisha kaliya ee Aasiya ee leh laba gees waxayna kori kartaa ilaa 1.5 mitir, oo miisaankeedu yahay inta u dhaxaysa 500 kg ilaa 960 kg (1,102 lbs. ilaa 2,116 lbs.).

 

 

 

Leave a Reply