Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Ka Qaybgalay Xaflada Qalinjabinta Jaamacadda Horn ee Borama

0
180

Borama (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal kaga qayb-galay Xafladda qalinjabinta dufcadii 8-aad ee ka baxda Jaamacada Horn.

Jaamacada Horn ee culuunta caafimaadka ayay ka qalinjabiyeen arday tiradoodu dhan tahay 130 arday kuwaas oo dhammeystay heerarkoodii waxbarasho ee kala duwana.

Munaasibadii loo sameeyay ardayda qalinjabisay waxa ka qayb galay, masuuliyiin kala duwan, macalimiin, waalidiin, ardayda qalinjanaysay mudan iyo marti Sharaf kale.’

Guddoomiyaha guddida sarre ee Jaamacada Horn ee magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, marwo Bahja Cumar Muxumed ayaa ka hadashay geedi socodka waxbarasho ee Jaamacada iyo jaamacadaha wadamada jaarka ee ay xidhiidhka waxbarasho la leeyihiin, isla markaana magaalada fursado waxbarasho iyo mid caafimaadba ay dib ugu celiyaan.

Waxaaney tidhi .“Markasta oo qalinjabini jirto tirade ugu yar ayaa Jaamacadayada ka qalinjabiya, sababto ah marka loo eego jaamacadaha kale anagu waanu ka waxbarasho iyo tayo wanaagsanahay, waxaanu aad uga dhisna ardayda xagga xirfada, gobollada kala duwan ee dalka ayay ka hawlgalaan ardayda ka baxda jaamacada Horn International”

Madaxweyne ku xigeenka JSL, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil ayaa ku boggaadiyay maamulka Jaamacada Horn iyo waalidiinta ubadka dhalay dadaalka ay galiyeen, si ay uga madha dhaliyaan geedigoodii waxbarasho.

Waxaanu yidhi.“Waxaan u mahadnaqayna, maamulka, macalimiinta Jaamacada Horn, ee soo saaray ubaxan ku hubaysan aqoonta.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa waalidiinta sharafta badan, eek u soo dadaalay carruurta maanta ina soo horfadhida ee quruxda badan leh, ee halkan ku soo gaadhsiiyay duruufo adag oo kala duwan, una soo dulqaatay, una soo dhabar adagaygay iyaga oo ALLE la kaashaya inay qalinjabintooda soo gaadhsiiyaan”.

Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka ayaa shahaadooyinkii ay mutaysteen guddoonsiiyay ardaydii ka qalinjabisay Jaamacada Horn ee xarunteedu tahay magaalada Borama.

 

Leave a Reply