Beelihii ku Diriray Degmada Ceel Afweyn oo Nabad Iclaamiyay

0
159

Ceel Afweyn (Dawan) Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay gobolka Sanaag, ayaa shalay ku dhawaaqay nabad lagu soo afjarayo colaadii ka dhacday deegaankaas.

Waxgarad ku hadlayey labada ardaa ayaa ballan qaaday inay nabadda ka shaqeynayaan iyo soo afjarista colaada halkaas ku soo moqnoqotay.

Guddi ka tirsan Golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan nabadda ay isla qaateen labada beelood ee dirirtu dhexmartay, waxaanay tilmaameen in nabaddu ay leedahay dad badan oo cadow ku ah oo loo baahan yahay in wadajir looga taxadaro.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay inay beelahan kala shaqeynayaan sidii ay nabad buuxdaa uga hirgeli lahayd degmada Ceel Afweyn.

Leave a Reply