Xaaladaha Adag Iyo Debeecadaha Aadamiga

0
130

Jacqueline Kennedy  oo ahayd xaaskii madaweynihii 35aad ee dalka Maraykanka oo la  dilay sanadki 1963  John F. Kennedy, ayaa isku deyday inay ka boodo gaadhigii ay wada saaraayeen ninkeedii ay jeclayd oo markaasi rasaas lala dhacayay. Waxa keliya ee ay ka fikiraysay inay nafteedu badbaado iyadoo aan xataa isku deyin inay dib u eegto. Laakiin wakhtigaasi waxa isku deyaya inuu badbaadiyo ninka keliya ee ilaaliyaha ah ee la socday, inkasta oo aanay surtagal noqon.

Nolosha ayaa sidaasi ah wakhtiga adag in qofkii dadka kuugu dhowaa aanu xataa jeclaan inuu agtadaa sii joogo marka ay dhibta kugu dhacday isagana gaadhi karto, isagoo doonaya inuu keligii u baxsado halka u naftiisa ku badbaadin karo.

Taasi ayaa cadayn u ah in xaaladaha adaga dadku ay galaan I bixiyow I Bixi , waan taasi Arrinka Quraanka Kariimka ahi uu cadeeyay maalinta Qiyaamaha in qof kasta isku mashquulsan yahay oo xataa uu ka baxsanayo walaalki, hooyadii, aabihii, xaaskiisa iyo caruurtiisaba.

Leave a Reply