Dagaalkii Colombia: Ciidanka Colombia oo raaligelin ka bixiyay dilkii dad rayid ah

0
129

Ciidamada Colombia ayaa raaligelin ka bixiyay dilka kumanaan qof oo rayid ah intii lagu guda jiro dagaaladii hubaysanaa ee dalkaasi.

Baadhitaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 6,402 qof oo rayid ah ay dileen milatarigu intii u dhaxaysay 2002 iyo 2008 oo ay u dhinteen falaago ahaan dhaqan loogu magac daray.

Munaasabad ay ka soo qeyb galeen hooyooyinka qaar ka mid ah dadkii la laayay ayaa wasiirka gaashaandhigga waxa uu dilkaasi ku tilmaamay wax laga xishoodo.

“Ma ay ahayn jabhado,” ayuu raaciyay.

Taliyaha ciidamada Colombia, Luis Ospina, ayaa sheegay in “falal xanuun badan ay geysteen xubno ka tirsan ciidamada qaranka oo aan waligood dhicin”.

Dhibbanayaashu waxay ahaayeen rag dhallinyaro ah oo badi ka yimid xaafadaha saboolka ah ee ku yaal iyo nawaaxiga caasimadda dalka ee Bogotá.

Waxaa lagu soo jiitay ballanqaad shaqo oo loo sameeyay qaybo ka mid ah miyiga Colombia, halkaas oo askartu ay toogteen. Dabadeed waxa loo xidhay dhar jabhadeed iyada oo hubna gacmahooda la geliyay.

Ujeeddada ciidanku waxay ahayd in la siiyo aragtida ah in ay ku guulaysanayaan dagaalka ay kula jiraan jabhadda Kacaanka ee Colombia (Farc).

Askartu waxay caddeeyeen in ay ku cadaadiyeen madaxdooda inay sare u qaadaan “qiimahooda dilka” iyo sida loogu abaalgudi lahaa in la siiyo dalacsiin ama maalmo dheeraad ah.

Muddo sanado ah, ehelada dhibanayaasha waxay u halgamayeen in la ogaado runta ku saabsan ehelkooda.

Salaasadii, munaasabad lagu qabtay fagaaraha weyn ee Bogotá, ayuu wasiirka gaashaandhigga Colombia Iván Velásquez ka raali galiyay iyaga.

“Waxaan halkan taaganahay dhibbanayaasha hortooda, bulshada Colombia ka hor, beesha caalamka ka hor, si aan u nidhaahno raali ahaada,” ayuu yidhi Mr Velásquez.

Gustavo Petro, oo ah madaxweynihii ugu horreeyay ee Colombia ee garabka bidix, horayna uga tirsanaan jiray kooxda M-19, ayaa saacado soo daahay, balse wuxuu sidoo kale cafis weydiistay waxa uu barbar dhigay “xasuuq”.

Ehelada 19-dhalinyaro ah oo lagu toogtay meel u dhow xudduudda Venezuela, isla markaana ku dhintay iyaga oo fallaago ah ayaa goob joog ka ahaa xafladda.

Mid waliba wuxuu soo qaaday masraxa oo wuxuu sheegay magaca qofka ay jeclaayeen ee la dilay.

Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in raaligelintaasi ay qaadatay in ka badan 15 sano.

Kuwo kale waxay yidhaahdeen waa inay ka timaaddaa madaxweynihii hore ee Álvaro Uribe, oo hoggaankiisa la fuliyay inta badan arrintan iyo wasiirkiisii ​​gaashaandhigga, Juan Manuel Santos.

“Waxay ahayd in Juan Manuel Santos uu joogo si uu wejigiisa u muujiyo oo uu na cafiyo,” ayay tidhi Florinda Hernández, oo wiilkeeda Elkin la dilay 2008-dii.

Lucero Carmona ayaa yidhi “maanta aniga iyo qoyskeyga ma cafineyno” halka Jackelin Castillo, oo hogaaminaya kooxda matalaysa hooyooyinka dhibanayaasha “waxyaabaha beenta ah”, ayaa yidhi “dagaalkeenu kuma eka halkan, waxaan sii wadi doonaa raadinta. dambiilayaasha dhabta ah, kuwii bixiyay amarka lagu galay dambiyadaas”.

Xukunka Gaarka ah ee Nabadda (JEP), oo ah nidaam maxkamadeed ku-meel-gaar ah oo loo dejiyay qayb ka mid ah heshiiskii nabadeed ee dawladda Colombia ay la gashay fallaagada Farc 2016, waxay baadhaysay “waxyaalihii beenta ahaa”.

In ka badan 700 oo ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa ilaa hadda caddeymo muujinaya, bishii Agoosto, taliyihii hore ee ciidamada Colombia, General Mario Montoya, ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay 130 “waxyaalo been abuur ah”.

Leave a Reply