Ciidamada Maraykanka oo soo riday diyaarad Turkigu leeyahay

0
113

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa Khamiistii soo riday diyaarad aan duuliye la socon (drone) oo Turkiga leeyahay, taasi oo loo arkay inay halis ku tahay ciidamada Maraykanka ee Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka.

Soo-riditaanka ayaa yimid xilli Turkiga uu beegsanayey xoogagga Kurdish-ka ee Syria, taasi oo ka dambeysay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Ankara, oo ay sheegatay kooxda PKK.

Ciidamada Maraykanka ayaa arkay diyaaradaha drone-ka oo fulinaya duqeymo subaxnimadii hore ee Khamiistii, oo qaarkood ku sugnaa “aagga howlgallada ka xaddidan” (ROZ) ee u dhow Hasakeh, oo qiyaastii hal kilo mitir u jira ciidammada Maraykanka, ayuu afhayeenka Pentagon-ka, Brigadier General Pat Ryder u sheegay suxufiyiinta.

Saacado kadib, diyaarad drone oo Turkish ah ayaa kusoo laabatay aagga ROZ, waxayna usoo dhaqaaqday dhanka ciidamada Maraykanka, inkasta oo ay jireen wax saraakiisha Maraykanka ay ugu yeereen tobaneeyo baaq oo loo diray dhanka militariga Ankara.

Ryder waxa uu yidhi “Taliyayaasha Maraykanku waxa ay qiimeeyeen… diyaaradda, oo markan wax ka yar nus kiilomitir u jirta ciidamada Maraykanka, in ay tahay halis.”

“Kadib diyaarad Maraykan oo F-16 ah ayaa si is-difaac ah usoo ridday diyaaraddii drone-ka,” ayuu yidhi.

Xoghayaha difaacca Maraykanka Lloyd Austin ayaa Khamiistii la hadlay dhiggiisa Turkey Yasar Guler, isaga oo ku booriyey “in la qaboojiyo xiisadda waqooyiga Syira, iyo muhiimadda in si adag loo ilaaliyo qawaaniinta isku dhacyada iyo isgaarsiinta iyada oo loo marayo hab milatari ka militari ah,” ayuu Ryder ku yidhi war-saxaafadeed.

Wasaaradda difaaca Turkey ayaa xaqiijisay wada-hadalka labada mas’uul, ayada oo sheegtay in laba sarkaal ay ka wada-hadleen “dhacooyinkii ugu dambeeyey ee Syria.”

Maraykanka ayaa waxaa Syria ka jooga qiyaastii 900 oo askari oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxda Daacish.

Leave a Reply