Kenya Oo Sare u Qaadday Meeqaamka Xafiiskeeda JSL Wakiil Cusub-na soo Magacaabay

0
151

Nairob (Dawan)i- Dawladda Kenya ayaa wakiil cusub u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana sare u qaaday meeqaamkii dublamaasiyadeed ee xafiiskooda ay ku leeyihiin Caasimadda Somaland ee Hargeysa.

Magacaabis Arbacadii 04 October uu sameeyey Madaxweynaha Kenya Md. William Samoei Ruto ayaa Cabdiweli Muxamed Hussain u magacaabay inuu noqdo wakiilka sare (Higher Commissioner) ee magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaasibta xukuumadda Kenya waxay muujinaysaa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Somaliland, waxaanay mudan tahay in xukuumada Somaliland sidaa si la mid ah ku dhawaaqdo, isla markaana sarre u qaado meqaamka Xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Kenya.

 

 

 

Leave a Reply