Kooxda Aqoonsi Raadinta Somaliland oo lagu soo Dhaweeyey Wasaarada Arrimaha Dibadda Dalka Sweden

0
158

Stockholm (Dawan): Wefti ka socday jamhuuriyadda Somaliland ayaa booqasho ku tegay wasaaradda Arrimaha Dibadda dawladda Sweden.

Waxaana weftigan ka socday Somaliland halkaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden, oo u dhaq-dhaqaaqa qadiyadda jamhuuriyadda Somaliland.

Kooxda citiraaf raadinta Somaliland ee lagu soo dhaweeyey wasaaradda Arrimaha Dibadda dawladda Sweden waxaa hogaaminayay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maalmahan ba safar shaqo ku maraya qaaradda Yurub.

Eng. Faysal, waxaa wehelinayay Mikael Torstensson, oo ah siyaasi u dhashay dalka Sweden, isla markaana wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL kala shaqeeya arrimaha aqoonsi raadinta.

Sidoo kale waxaa weftigan ka mid ahaa Ambassador Zakariye Xasan Wacays, guddoomiye Mustafe Cabdi Ismaaciil, Ambassador hore Caydruus Aadan, iyo guddoomiyaha xisbiga UICD ee dalka Sweden.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban oo laga soo saaray booqashadan ay kooxda aqoonsi raadinta Somaliland ku tegeen baarlamaanka Sweden.

Warkaasina wuxuu u dhignaa sidan, “Kooxda citiraaf raadinta Somaliland oo lagu soo dhaweeyey wasaaradda Arrimaha Dibadda dawladda Sweden.

Waxaana hogaaminayay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxaana wehelinayay Ambassador Zakariye Xasan Wacays, guddoomiye Mustafe Cabdi Ismaaciil, Ambassador hore Caydruus Aadan, iyo guddoomiyaha xisbiga UICD ee dalka Sweden”.

Geesta kale Mr. Mikael Torstensson, oo ah ergay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland kala shaqeeya aqoonsi raadinta, iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka Sweden, ayaa ku hawlan mooshin ah in baarlamaanka dalka Sweden mar kale la hor geeyo in ay ka doodaan qadiyadda aqoonsiga Somaliland.

Iyadoo na dhawr sanno ka hor ay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden ay hor geeyeen dood ku saabsan qadiyadda ictiraafka Somaliland.

 

 

 

 

Leave a Reply