Wasaaradda Deegaanka JSL Waxay Ku Tallaabsatay Barnaamijyo Lagu Daryeelayo Qaybaha Kala Duwan ee Deegaanka

0
132

Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland waxay tobankii sanadood ee u danbeeyay waxay dedaal aad u weyn gelisay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka faraha badan ee deegaanka soo gaadhay.

Waxaana jiray sanadahan danbe tallaabooyin waaweyn oo kala duwan oo ay wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland qaaday si loo bad-baadiyo deegaanka, iyo noolaha kale ee ku dul nool ba.

Wasaaradda Deegaanka oo ay hormood u tahay wasiirka wasaaradaasi Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo dhawr iyo tobankii sanadood ee la soo dhaafay iyo ilaa hadda xilka wasaaradaasi soo haysay ayaa u guntatay sidii ay waxqabad muuqda uga samayn lahayd dhibaatadda soo gaadhay deegaanka, ama dhulka, iyo noolaha kaleba.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah tallaabooyinka wax ku oolka ah ee wasaaradda Deegaanka Somaliland ku tallaabsatay sanadahan danbe.

Tallaabooyinka wax ku oolka ah ee guulaystay ee ay wasaaradda Deegaanka JSL fulisay oo dhinacyo kala duwan leh, waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa dhinacyadda ilaalinta duur joogta, wax ka qabashadda carro-guurka, dhir kobcinta ama dhir beerista, daryeelka, iyo ilaalinta noocyadda kala duwan ee duur joogta.

Wax ka qabashadda jarista dhirta, ama Dhuxulaysiga, ilaalinta deegaanka guud ahaanba gaar ahaana Bacda oo dalka laga mamnuucay in lagu iibiyo, ama in la soo dejiyo. Waxaana dalka dhawaan laga hirgeliyay wershad soo saarta Bacaha carrada la fal galla.

Sidoo kale waxaa ka mida barnaamijyadda guulaystay ee ay wasaaradu qaaday dhiraynta magaalooyinka oo ay dawladaha hoose la kaashatay, iyo xarumo ama beerro fara badan oo dhir kumanaan geed ah lagu koriyo in goboladda dalka laga hirgeliyay, iyo Seereyaasha xooluhu daaqaan oo iyagna goboladda intoodda badan laga sameeyay.

Waxa kaloo jira iskaashiyo wada shaqayneed oo ay wasaaradda Deegaanka JSL la gashay haayado kala duwan oo caalami ah, si ay uga taageeraan ama uga gacan siiyaan wax ka qabashadda dhibaatadda soo gaadhay deegaanka.

WAX KA QABASHADDA DHUXULAYSIGA:

Waxqabadyadda la taaban karro ee muuqda ee ay wasaaradda Deegaanka JSL wax ka qabatay waxaa ka mid ah Dhuxulaysiga, iyo jarista dhirta qoyan, taasoo ka mid ah aafooyinka aadka u waaweyn ee ay dadku u gaysteen deegaanka.

Si wax looga qabto dhibaatadda Dhuxulaysiga ayaa wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda JSL waxay samaysay barnaamijyo dhawr ah oo wax lagaga qabanayo arrintaasi, kuwaasoo ay ka mid tahay in dadka Dhuxulaysatadda ah ee dhirta dhulka baadiyaha ah ka soo jarro in qofkii lagu arko tallaabooyin sharci ah laga qaado.

Iyadoona ay wasaaradu hawl-gallo joogto ah oo Dhuxulaysiga wax lagaga qabanayo ka fulisay dhulka miyiga ah, isla markaana dadka Dhuxulaysatadda ah haddii lagu qabto iyagoo falalkaasi gacanta kula jira in la soo qabto oo la xidho sharcigana la hor geeyo.

Arrintaasi oo ay wasaaradu si xidhiidh ah sanado badan u soo waday ayaa hadda waxaa muuqata in la xakameeyay, ama ay hoos u dhacday Dhuxulaysigii xadhkaha goostay oo si arxan darro ah loogu gumaaday dhir aadnu fara badan oo qiimo iyo waxtar ba u lahaa dalka, dadka, iyo duunyadaba.

Sidoo kale tallaabooyinka wax lagaga qabanayo Dhuxulaysiga, iyo jarista dhirta waxaa ka mid ah in wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda ay diyaarisay, isla markaana fulisay barnaamijyo hoos loogu dhigayo dhibaatadaasi sida in dalka la keeno waxyqaabo bulshadda loogu bedelayo isticmaalkii Dhuxusha.

Waxaanay wasaaradu diyaarisay in shirkadaha dalka keena ee wadamadda dibadda ka soo waaridda Gaasta cuntadda lagu karsado in la badhi taarro ama la taageero, sida in cashuur-dhaaf loo sameeyay marka ay dekadda ka soo dejinayaan haamaha Gaasta wax lagu karsado soo dejiya.

Arrintaasi ayaana noqotay mid si weyn wax uga bedeshay gumaadkii lagu hayay dhirta qoyan, iyo kuwa qiimaha u leh dalka, iyo duunyadaba, iyadoona ay tallaabadaasi so weyn hoos ugu dhigtay joojinta Dhuxusha.

Sidoo kale waxay wasaaradda Deegaanka Somaliland ku guulaysatay in ay bulshadda fahamsiiso sida ugu faa’iido badan tahay gaasta wax lagu karsadaa isticmaalkii Dhuxusha, dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan, nadaafad ahaan, iyo meello kaleba.

Arrinta ugu muhiimsan ee ay wasaaradda Deegaanka Somaliland ku tallaabsatay ee wax lagaga qabanayo Dhuxulaysiga waxaan ka soo qaadan karnaa in dhawaan dalka laga hirgeliyay wershad geedka Garan-waaga ka samaynaysa dhuxul la shidan karo, taasoo ay ganacsato muwaadiniin ahi leeyihiin.

Wershadaasi ayaana geedka Garan-waaga oo sodonkii sanadood u danbeeyay dalkeena aad u qabsadaya ama uga baxay waxay ka samaynaysaa dhuxul lagaga maarmi karo in la jaro ama dhuxul laga dhigo geedihii kale ee manaafacaadka lahaa.

Waxaana loo arkaa in wershadaasi Garan-waaga dhuxusha ka samaynaysaa ay sababtay in la bad-baadiyo dhirtii manaafacaadka lahaa ee dalkeenna, isla markaana ay bulshadu helaan dhuxul kale oo laga shiday geedkan aan haba yaraatee wqx faa’iido ah dalka, iyo dadkaba u lahayn.

La soco qaybaha danbe…

 

Leave a Reply