Xukuumadda JSL oo ku Guulaysatay Dib u Kicinta Idaacadii Weynayd

0
173

Hargeysa (Dawan) Wasirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyigalinta Somaliland Mudane, Saleebaan Yuusuf Cali (Koorre) ayaa sheegay in xukuumaddu ku guuleysatey in Idaacaddi weyneyd ee dalka oo dhan wada gaadheysey la kiciyey, isla markaana lagu guuleystey in la cilad tiro, waxaanu xusay in idaacaddaasi xiligan hawada gashey oo si wacan u shaqeyneyso, waxaanu intaas ku daray in Barnaamijyadeedii kala duwanaa ee ka bixi lahaa la diyaarinayo oo gacanta lagu hayo, waxaanu tilmaamay in idaacaddan weyn laga dhegeysan karo Dalalka Bariga Dhexe iyo Afrikaba.

“Waxaanu dadaal iyo tacab badan galinay in aanu idaacadii hore dib u kicino, oo dabagal ku sameyno wixii cilad bixina ee ay u baahan tahay, waxkasta oo aad doonto in aad hirgelisaana wakhti ayay qaadanayaan, balse hadda waxa aanu joogna in aanu ku guulaysanay idaacadii weynayd, oo ay hawada gashay, si deg deg ahna loo bilaabi doono barnaamijyadeedii iyo wax soo saarkeedii, waxaanu gacanta ku hayna iyada oo laga dhageysanayo bariga dhexe iyo Afrika inteeda kale, meel fiican ayay noo maraysa, Idaacadaha sidaasi ayay kuwii horena inoogu diyaar yihiin kuwii FM-kuna dalka oo dhan ayay kawada shaqeeyaan, idaacada Qur’aankuna 24-ka saac gobolkasta way ka shaqaysaa, tii weyneydna laba toddobaad gudahood ayaa qorshahayagu yahay in aanu hawada ku gelino”

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in horumarka la taaban karro tifiga Qaranku ku talaabsaday, isla markaasna daawashadiisii kor u kac weyn ku yimid marka loo eego xiliyadii hore, kaasi oo barnaamijyadiisa ka baxa shacabku si weyn ugu xidhan yahay Gudo iyo dibadba.

Geesta kale waxa uu daboolka ka qaaday in kor u qaadis lagu sameeyey aqoonta suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta dowladda, halka sidoo kalena wasirku xusey in ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA uu ku howlan yahay horumarinta iyo kor u qaadista aqoonta warbaahinta kala duwan ee dalka, iyadoo sidoo kalena wasiirku tilmaamey in Suxufiyiinta howlgabka ah kana howlgali jirey hay’addaha warbafainta dowladda masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dowladu gacanta ugu hayaan sidii loo daryeeli lahaa shaqalahaasi howlgabka ah.

Waxaanu sidan ka sheegay mar uu shalay hor tagey guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland.

 

Leave a Reply