“Ilaalinta Amniga Baddeenna Masuuliyad Gaara Ayaa Innaga Saaran” Madaxweyne Ku Xigeenka

0
157

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay masuuliyad wayni ka saran tahay ilaalinta ammaanka, nabad-gelyada iyo horumarka baddaha Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu daah-furay oo lagu gorfaynayay xoojinta amniga iyo horumarinta badda Somaliland, waxaanu soo jeediyay in meel looga soo wada jeesto difaaca ka faa’ideysiga badda dheer ee JSL leedahay.

Kulankan waxa ka soo qayb galay wasiiradda wasaaraddaha maalgashiga, xidhiidhka golayaasha, isbedelka cimilada, wasiir ku xigeenada arrimaha gudaha iyo caddaaalada, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Badda, maareeyaha hay’adda Dekedaha JSL, guddoomiyaha guddida maamul wanaagga, agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Dibedda, taliye ku-xigeenka booliska, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dibloomaasiyiin ka socotey Safaaradda Taiwan iyo Saraakiil sare oo ka socotay EUCAP.

Sidoo kale waxa uu xusay in kulankani marka uu dhammaado laga soo saari doono shuruuc dhameystiran oo lagu maamuli doono badda dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Somaliland waxa ay leedahay bad dhererkeedu ka badan yahay 850 Km, waajibaadka Caalami ahaan iyo Qaran ahaanba innaga saran, gaar ahaan baddeena, xoojinta maamulka, shuruuc dhammeystiran iyo xeerarka caalamiga ah oo dhammeystiran ayaa la innooga baahan yahay, ilaa hadda mahayno shuruuc dhammeystiran, balse waxaan wadna sidii loo dhammeystirilahaa shuruuc inoo gaara, lana jaanqaada shuruucda caalamiga ah.

Masuuliyad ayaa innaga saaran abniga baddeena, kana qayb qaadanaya abniga gobolka iyo ka caalamiga ah, baaxada baddeena waxa shaqo ku leh hay’addo iyo wasaaraddo badan oo dalku leeyahay, waxaana waajib ka saaran yahay inay wada shaqeeyaan, si ay ugutaan xilka Qaran, wixii qorshe ah ee looga baahan yahayna inay dhammeystiraan,”

Madaxweyne ku xigeenku isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray.“Kulankani waxa uu qayb ka yahay aasaaska wada shaqaynta wasaaraddaha iyo hay’addaha kala duwan ee arrinkaasi khuseeyo, waxtar mihiimana wuu yeelan doona haddii ALLE qadaro, waxaa ka soo bixi doona xoojinta abniga iyo horumarinta badda Somaliland, meel aan uga soowada jeesano difaaca iyo ka faa’ideysiga baddeena,”

 

Leave a Reply