Aadamuhu Ma Socdo Qorshe iyo Higsi La’aan’Khayraadka Dalkana Qof ma Laha.” Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland

0
107

Hargeysa(Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu qaranka Somaliland u leeyahya maalgashigu in iyo dawlad iyo shicib bam eel looga soo wada jeesto isla markaana diyaar loo ahaado in la soo jiito maalgashadeyaal calami ah.

 

Waxaanu intaa raaciyay in dunida sadexaad tartan ugu jirto soo jiidashada maalgashadeyaasha caalamiga ah ee fursadihii dalalkooda ka dhigtay suuqyo kala xidhan oo la  kala yeeshay isla markaana aanay uga bannaanayn wadamadooda fursado maal gashi.

 

Waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay Madaxweyne  ku xigeenka Somaliland in marka khayraadka kala duwan ee dalka Maalgashi loo helo halkii maal gelinta laga samayn lahaa in oday cidla jooga yidhaahdo anigaa leh oo waxba laga qaban mayo gaarna uu u sheegto khayraadka qaranku leeyahay.

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici oo ka qayb galay daahfurka qorshaha shanta sano ee wasaaradda Maalgashiga iyo wershadaha Somaliland oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu ydhi.  “Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland waana  albaabkii ay inanga soo gelayeen Maalgashadeyaashu,habka ay innagu arkaan ee aynu wax ugu diyaarinaana waxay ku xidhan tahay dhaqaaleheena koraya siday uga qayb qaataan maalgashiga gudaha iyo ka caalamiga ah ee dibedda ka imanaya,markaa marka  hore waxaan u mahad naqayaa wasaaradda Maalgashiga ee soo diyaarisay qorshaha shanta sano ee wasaaraddu ay ku shaqayn doonto.

 

Aadamuhuna ma socdo Qorshe iyo Higsi La’aan,aadamuhuna haddii uu qof yahay,haddii uu qoys yahay iyo haddii uu qaran yahayba wuxuu leeyahay waddo uu jeexdo iyo higsi u uku hamiyayo in uu gaadho. Qofkii aan yool lahayni wuu lumayaa.”

“sidaad la socotaan dunida dhaqaale badan ayaa yaalla oo wareegaya, dalalka horumaray waxaa ka buuxsamay fursadihii maalgashi  oo waa la kala xidhay oo qof kastaaba halka uu taagan yahay ayuu taagnaanaya waayo 30 kii sano ee u dambeeyay dalalka horumay fursadihii maalgashi way ka buuxsameed oo cidna kuma gelayso suuq nin samaystay oo uu malaayiin dollar ka samaystay.”

Mudane Saylici oo ka hadlayay Maalgashadeyaashu in ay indhaha ku hayaan dunida sadexaad,ayaa yidhi “Markaa waxay fursado ka raadinayaan dunida sadexaad oo ay doonayaan in ay dhaqaalahooda ka sii kordhiyaan oo ay maalgashadaan taana waxaa lagu kala badsanayaa siday u egyihiin dawladahaasi nidaam ahaan iyo deegaan wanaagsan oo loo abuuro iyo dal ay aaminaan oo  hay’addihiisa dhaqaale ay dhisan yihiin.

Ninka dhaqaale haysta ee wax maal gashanayaa wuu fulaynimo badan yahay,markaa waxaa loo baahan yahay shacabka iyo dawladduba cid kasta oo dalka maalgashanaysa in aynu si wada jir ah usoo wada dhawayno,sababtoo ah qofku haddii uu  shan milyan oo keliya ku maal gashado shaqo abuur ayuu soo kordhinayaa dadkaa shaqo ka helaya dawladda,ayaa canshuur ka helaysa.

Wasaaradaha arrimaha dibedda iyo Maalgashigu waa albaabka dalka laga soo galo,markay wasaaradda maalgashigu la eegto maalgashiga ay wadaan ayay u gudbinaysaa markaa wasaaradda hawsheeda ay tahay.

 

Anigu in badan,ayaan dalka joogay waxaan ahay qofka ugu soo dhawaynta badan ee soo dhaweeya cid kasta,waxaanan markasta wax ka eegaa dhanka wanaagsan laakiin dadkaa inoo imanaya iyo qurbejoogeenii waxaad moodaa in aanu wali saldhigin maalgashigu, marka maalgashi loo helo buuraha inaga dhexeeya ee la tagona oday yar oo Buuri cunaya ayaa iska odhanaya walaahi in aan halkann waxba laga qabanayn oo annaga ayaa leh,halkuu ka yeeshay qaranka ayaa leh e.”

 

Mar uu ka hadlayay caqabado dhanka bulshada ka jira oo baajin kara maalgashiyo kala duwan,waxaa uu yidhi. “Waxaad moodaa in aqoonyahankiina iska seexday oo uu caaqilkaa yari dalkiiba xukumo oo uu dadkiina ku kicinayo,waanad wada garanaysaan Maalgashigu sida uu dalka wax uga bedelo waxaana tusaale inoogu filan maalgashiga DPW iyo is bedelka uu dalka ku sameeyay.

 

Markaa waxaynu u baahannahay khayraadka dalka mid badn ku jira iyo mid berri ku jiraba qaranka ayaa leh e in aynu meel uga soo wada jeedno Maalgashigiisa. Dalkeena oo aynu soo dhawayno cid kasta oo diyaar u ah in ay  khayraadka kala duwan ee dalkeena ay maalgashato waxaana looga baahan yahay aqoonyahanku in aanu iska aamusin ee in uu umada u sheego in khayraadka dalka qaranku leeyahay maalgashiguna uu yahay jidka horumarka ee dawladuhu isku dhaafeen,xukuumadda Somaliland na waxay waddaa siyaasadda horumarinta maalgashiga dalka.”

 

 

Leave a Reply