Dagaalka Israa’iil Iyo Falastiin: Maxaa Cusub?

0
232
Cusbitaallada magaalada Qaza ayaa waxa buux dhaafiyay dhaawaca iyo dhimashada ka dhalatay duqaymaha ay Israa’iil ka gaysatay magaalada Qaza habeenkii xalay, gaar ahaan dhismayaasha la deggan yahay.
Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay gabi ahaanba go’doomisay magaalada Qaza, isla markaana aanay oggolayn inay galaan wax cunto ah ama shidaal, taasoo ah danbi dagaal marka loo eego xeerarka qaramada midoobay.
Xafiiska banii’aadantinnimada ee qaramada midoobay ayaa sheegay inay saadaalinayaan in biyaha la cabbaa gabaabsi ku noqdaan Qaza, weerarrada ay Israa’iil ku hayso awgood.
Falcelinta Caalamka. Maanta oo Salaas ah
1. Hoggaamiyaha sare ee Iiraan Aayatullah Cali Khamanai ayaa sheegay in Israa’iil ay la kulantay guuldarro siyaasadeed iyo mid Mukhaabaraad oo aan laga soo kaban karin, kadib weerarkii Xamaas ay ku qaadday Sabtidii.
2. Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salman ayaa sheegay in ay barbar taagan yihiin dadka reer Falatiin ee Wajahaya weerarka cadowtinnimada ah.
3. Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa ku baaqay qaraar ay soo saarto qaramada midoobay, isaga oo geesta kale ku boorriyay labada dhinac joojinta dagaalka
Weearka lama filaanka ah ee Xamaas ku qaadday Israil Sabtidii ayaa ka dhashay kadib markii yuhuudda la deegaameeyay ay xoog ku galeen Masaajikda Barakaysan ee Al-Aqsa maalmihii la soo dhaafay , isla markaana la laayay tiro badan oo falastiiniyiin ah.

Leave a Reply