Ciidanka Booliska oo Gacanta ku soo Dhigay Nin ku Eedaysan in uu Beeray Xashiishad

0
127

Hargeysa(Dawan):-Ciidanka booliska Somaliland,ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedaysan in uu guri uu magaalada Hargeysa ku leeyahay uu ku beeray geedka maandooriyaha ah ee xashiishadda oo dalka mamnuuc ka ah.

Qoraal kooban ooo ciidanka boolisku ku baahiyay barta u uku leeyahay Facebook,ayaa u dhignayd sidan. “Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Cabdicasiis Aadan Yuusuf oo geed xashiishada ka beeray dayrka guri uu ku leeyahay Xaafadda Gacan Libaax , gurigaaasi oo uu ka Kireeyay qoys kale .

Waxaana ka hawlgalay Ciidamada Wardoonka iyagoo kashanaaya Saldhiga degmada Gacan Libaax.

Soo qabashada Eedaysanaha waxa ka warbixiyay Taliyaha qaybta Bariga Gaashaanle sare Saleebaan Ducaale iyo Taliyaha Saldhiga Gacan Libaax Gaashaanle Baashe Cabdilaahi.

 

 

 

Leave a Reply