Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo Xog-waraysi la Yeeshay Wasiirka Dastuurka

0
71

Hargaysa (Dawan): Guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa shalay kulan xog waraysi ah la yeeshay wasiirka dastuurka.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Guurtidda ee Hargaysa ayay xubnaha guddiga joogtadu wasiirka, iyo masuuliyiintii wehelinayay ee wasaaradda Dastuurka ku waydiiyeen su’aallo ku saabsan shaqada ay wasaradu qaranka uga masuulka tahay.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo guddiga joogta Guurtidda warbixin siinayay ayaa faah-faahiyay hawlaha ay wasaaradu ku talaabsatay.

Waxaanu sheegay in wasaaradu ay si weyn uga shaqaysay sidii qaybaha kala duwan ee bulshadda loo bari lahaa, loona fahamsiin lahaa dastuurka iyo shuruucda dalka.

Maxamed Xaaji Aadan,  ayaa tilmaamay in manhajka waxbarashadda dugsiyadxa hoose, dhexe, iyo sare ba loo diyaariyay in ardayda lagu barro dastuurka, waddaniyadda, iyo shuruucda kale ee dalka.

Wasiirka Dastuurka ayaa tilmaamay in manhajka waxbarashadda dugsiyadxa hoose, dhexe, iyo sare ba loo diyaariyay in ardayda lagu barro dastuurka, waddaniyadda, iyo shuruucda kale ee dalka.

“Waxaan rejaynayaa in aanu dhawaan iska soo gebagabayno oo manhajkii oo dhamaystiran, oo dugsiyadda hoose, iyo dhexe, iyo sare lagu dhigan doono” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kaloo uu sheegay wasiirka Dastuurku laba sanadood ka hor ay dhamaanba jaamacadaha dalka ka hawl galla ay ku wareejiyeen si ay ardayda ugu dhigaan manhajka dastuurka, iyo  waddaniyadda.

Waxaanu yidhi “Jaamacadaha waanu ugu horaysiinay, waanan u dhamaystirnay laba sanadood ka hor ayaana lagu wareejiyay in ay dhigaan dastuurka, waddaniyadda iyo shuruucda kale ee dalka. Waxaa se loo baahan yahay in lagu dabo gallo hanaanka ay u dhigaan”.

Geesta kale xubnaha xildhibaanadda guddiga joogtadda ah ee golaha Guurtidda ayaa wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaasi uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay shacabka u gaadhsiiyeen fidinta dastuurka.

Guddoomiyaha guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa sheegay in guud ahaanba dalka ay si balaadhan wasaaradu ugu faafisay barashadda dastuurka, iyo waddaniyadda, iyo shuruucda kale ee dalka.

Waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaan wasaaradda ugu bogaadinayaa in dastuurkii aad iyo  aad loo bartay, oo ay dadku idaacadda, TV-ga, iyo Website-ka ay ka arkeen, oo xataa dadka suuqa joogaa ay dhegaystaan. Arrintaasi aad iyo aad ayaan ugu boogaadinayaa arrintaa, wwaanad gudateen waajibaadkiinii”.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply