Xukuumadda Somaliland oo ka Digtay Roobab Lagu Wado inay ka Da’aan Dalka

0
116

Hargeysa(Dawan)-Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa uga digtay dhammaanba dadweynaha ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland sababo la xidhiidha roobab waaweyn oo ka da’ya dalka.

 

Qoraal wasaaraddu soo saartay waxa ay si gaar ah ugu digtay magaalooyinka Hargeysa, Sheekh, Sallaxley iyo Ceerigaabo in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah sababo la xidhiidha roobab waaweyn oo toddobaadkan ku soo wajahan Magaalooyinkaasi.

 

Saadaasha hawada ayaa maalmihii la soo dhaafay sheegaysay in roobab duufaan lihi ka da’i doona deegaanno badan oo ku yaalla mandaqada Geeska Afrika, kuwaasi oo wata daadad xoog leh oo sababi kara barokac.

Leave a Reply