Guddoomiyaha gobolka Sanaag oo u Jawaabay Axmed Karaash kana hadlay dil ka dhacay Ceel-afweyn.

0
144

Ceerigaabo (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse, ayaa ku wargeliyay bulshada    gobolku in ay ka digtoonaadaan hadalka fidmo abuurka ah ee ka soo yeedhay Madaxweyne kuxigeenka Maamul goboleedka Soomaaliya ee  Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash),

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Axmed Karaash, isagoo aan reer Ceerigaabo ahayn uu doonayo inuu iska horkeeno bulshada walaalaha ah ee reer Sanaag, oo ka wada shaqeynaya ilaslinta amniga guud ee deegaannada gobolka Sanaag.

Guddoomiye Axmed Cabi Muuse wuxuu sheegay in deegaanka Dhabar-mubac oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn in lagu dilay wiil yar oo 14 jir ah, waxaanu tilmaamay in tallaabo dawladeed laga qaadi doono ciddii falkaas foosha xun geysatay.

Sidoo kale  wuxuu u mahadceliyay ciidanka Qaranka oo sugay ammaanka Ceerigaabo ee dhawaan dableyda hubaysan rabshadaha ka rideen.

Waxanau yidhi.“Waxaan aad iyo aad u canbaaraynaya falkii xuma ee ilmaha yar ee dhawr iyo toban jirka ah dilka loogu gaystay nawaaxiga Dhabar-mubac ee degmada Ceel Afweyn, taas oo caqabad cusub oo ku soo korodhay noqonaysa degmada Ceel Afweyn, nabadgelyaddii iyo geedi socodkii laga waday, haddii ALLE qadaro tallaabo sharci oo muuqata ayaanu ka qaadi doonaa”

Guddoomiye Axmed Cabi Muuse wuxuu sheegay in deegaanka Dhabar-mubac oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn in lagu dilay wiil yar oo 14 jir ah, waxaanu tilmaamay in tallaabo dawladeed laga qaadi doono ciddii falkaas foosha xun geysatay.

Waxaanu yidhi.“Axmed Karaash reer Ceerigaabo maaha, Ceerigaabo dadkii degana ayaa u tashanaya, oo gacmaha is haysta, u tashanaya, dadka wada degan ayaa sida ay  wada dhaqmayaan iyo sida ay u noolaanayaan u taala, mid adiga kuu taala maaha, waxaan kaga digaya in fariimo la xidhiidha degsiimada Ceerigaabo aad warbaahinta ama baraha bulshada mariso”

 

 

Leave a Reply