Borama: Mashruuc Xukuumaddu Malaayiin Dollar ku Maalgelisay oo Xadhiga Laga Jaray

0
133

Borama (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hir gelisay isla markaana si rasmi ah shalay loo furay Mashruuc malaayiin Dollar Xukuumaddu ku maal gelisay oo ay ka faa’iidaysanayaan dad ka badan   90 kun.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiramaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa xadhiga si rasmi ah  uga jaray Mashruuca biyo ballaadhinta galbeedka Magaalada Boorama, kaas oo   laga maal geliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Munaasibada xadhig ka jarista Mashruucan waxaa ka qayb galay wasiiradda wasaaraddaha, biyaha, qorshaynta, ganacsiga, masuuliyiinta heer gobol iyo heer degaan ee gobolka Awdal iyo marti Sharaf kale.

Mashruucan ayaa ka koobaan saddex ceel biyood, dhigista 19-km oo ah oo beebabka biyaha gaynaya magaalada, laba taangi oo waa weyn isla markaana midkastaaba qaadayo   500,000 oo litir oo biyo ah.

Hirgelinta mashruucan ayaa wax weyn ka tari doona biyo yaraantii ka jirtay Galbeedka magaalada Borama, waxaana loogu talo galay  inay ka faa’idaystaan dad gaadhaya  90,000 (sagaashan kun).

 

Leave a Reply