Saboolnimada Dunida Kale Waa Horumarka Yurub!

0
99

Sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Reuters waraysi laga qaaday islaanta Jarmalka Ra’iisalwasaaraha ka ahaan jirtay Angela Merkel ayaa iyadoo ka jawaabaysay su’aal ahayd “ Maxa sababay in qiimaha meecashaddu uu kor u kaco dalka Jarmalka wakhtigan waxay ku tidhi “ Hindidu wakhtigan laba jeer ayay maalintii wax cunaan, Shiinaha caruurtooduna waxay caanaha u cabaan sidii hore si ka badan”.

Malaha waad fahantay? , haa waxay ujeedaa  raaxda ay Yurub ku jirtaa waxay ku taagan tahay gaajada iyo saboolnimada dunida kale inta ay leegtahay haddii ay kor noloshoodu u kacdona, ay noloshu Yurub ku sii adkaanayso. Waa kaasi nidaamka caalamiga ah ee cusubi waa koox boobaysa hantida ummadaha kale , isla markaana doonaya inay gaajo u madhaan caalamka kale si ay iyagu usii noolaadaan.

Waa nidaamka hantigoosadka caalamiga ah kaasi oo ku dhisan in saboolka lagu sii kordhiyo baahidiisa halka kan hantida haystana lasii badinayo hayntiisa. Ka dibna sawiro laga qaado iyagoo caawinya kuwii ay dheceen oo ay ku sheegayaan dalalka soo koraya ama dunida saddexaad.    Source:  www.reuters.com/article/us-germany-biofuels-idUSL

 

 

Leave a Reply