Dareenka Qofka Iyo Kelmadda Wanaagsan!

0
105

Waxa dhici karta in hadal wanaagsan oo aad tidhaahdaa uu qof quus ku jira uu rajadiisa soo celiyo oo uu ku beero niyad wanaagsan, Ama ruux werwersan ka masaxo walbahaarka, ama dad kala jeestay oo colaadi dhex taal uu xalkooda noqdo.

Hadalka wanaagsani quluub kala durugtay ayuu isku soo dhoweeya, hadalka xumina quluub wada jirta ayuu kala fogeeya. Waana carabka kan sabab u ah wanaag ama masiibo oo dhan.

Nin ayaa markii ay gabadhiisa dood adagi dhex martay ay xaaskiisu ka cadhootay. Waxaana ay bilwday inay dharkeed ku gurato shandad  iyadoo doonaysay inay reerkoodii u tagto, oo isaga ay gurigiisa ka  baxdo. Markii u fahmay inay hawshaasi ku guda jirto ayuu kelmado wanaagsan iyo dhoolacadayn isu raaciyay dhowr goor.

Ka  dibna wuxu arkay in dareenkeedu is bedelay markaasi ayuu weydiiyay “ Maxaad dharkaaga ku samaynaysaa?” Si naxariis leh ayay iyadoo qoslaysa ugu tidhi “ Dharkii xagaaga ayaan ku ridayaa , waxaana aan la soo baxayaa dharkii Jiilaalka”. Sidaasi ayay kelmadaha wanaagsani u demiyaan cadhada qofka madax martay.

Leave a Reply