Wasiirka Deegaanka oo kormeertay Deegaanka Dabis oo laga Hirgelinayo Mashruuc Dalxiis.

0
139

Hargeysa(Dawan)Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada Shugri XaajI Ismaaciil  Baandare iyo Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex Maxamed  Axmed Caalin  Tiimbaro   ayaa  kormeer ku tegay Deegaanka Dabis ee degmada Cadaadlay oo laga hirgalinayo Mashruuc goob  dalxiis.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada Shugri Xaajj Ismaaciil  Baandare ayaa  sheegtay muhiimada Mashruucani u leeyahay  dalka.Waxaana ay tidhi”Dabis  waxa ay  ku jirtaa  Sideed  saymo kaymood   ee dalka leeyahay Mashruuca ka socdana Dawlada Somaliland ayaa gacanta ku haysa,waana  seero iyo kaymo  iskujira Ugaadhii  ayaa   joogta  oo aanu ku xanaanaynaa.waxaana aanu  doonaynaa  shacab ahaan  in  aynu ka wada shaqayno, waana in niyada la galiyo in dhulka  dawladu leedahay oo ka  masuul  tahay oo wax loogu talo  galay,”.

Guddoomiyaha Gobalka Maroodijeex Maxamed  Axmed Caalin ayaa waxa uu usoo jeediyay dadka   deegaanka Dabis in la shaqeeyaan Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.Waxaana uu yidhi”Waxa halkan u nimid seeraha  ku  yaala  Dabis sidii  loo   dardargalin  lahaa,waxaana cabasho ka timid  odayaasha  Deegaanka  Dabis.si wanaagsan ayaana  laysku  afgartay waanay  dhamaatay,waana in lala shaqeeyo Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.meelaha ugu  quruxda badan ayaanay ku jiraan seerahani ee dalxiis loo iman  doono,”.

Sidoo kale Guddoomiyaha  Degmada  Cadaadlay  Mustafe  Axmed Cilmi ayaa waxa uu tilmaamay in Mashruucan Wasaarada Deegaanka iyo isbadalka Cimilada ka hirgalinayso deegaanka Dabis uu qiimo u leeyahay  xaga dalxiiska.

 

 

Leave a Reply