Komishanka Xakamaynta HIV/AIDS-ka oo Wacyigalin U Qabtay Dugsiga Sare Sacaadadiin ee Magaalada Saylac.

0
89

Saylac (Dawan) Agaasimaha abaabulka iyo wacyigalinta komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka Maxamed Xaaji Yaasiin iyo  isu’duwaha komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ka gobolka Selel, iyo xubno ka tirsan komishanka ayaa  barnaamij wacyigelin iyo baraarujin isugu jira u sameeyay,    ardayda dugsiga sare ee Sacadadiin ee magaalda Saylac, waxaanay arday sharraxaad ka siiyeen xanuunka HIV/AIDS-ka, siyaabaha uu ku gudbo iyo hababka kala duwan ee loo xakamayn karo.

Agaasimaha wacyigalinta iyo abaabulka Maxamed Xaaji Yaasiin Siciid  ayaa faahfaahiyay sida ay muhiimka u tahay in ardaydu ogaato siyaabaha loo kala qaado xanuunka, waxa kale oo uu intaa ku daray in xanuunkani uu la mid yahay xanuunada kale ee bulshada ku dhaca, sidaa awgeed ay waajib tahay in aan la takoorin dadka la nool xanuunka ee walaalaheen ah, waxaanu intaa raaciyay in xanuunka HIV/AIDS-ka lagu kala qaado dhawr nooc oo kaliya balse aan lagu kala qaasin wax-wada cunka, salaanta,in meel la wada seexdo iyo waxyaabaha la midka ah.

Barnaamijkan wacyigalinta ah oo qayb ka ah  arnaamijka baraarug ee komishanka xakamaynta HIV/AIDS-ku bulshada kaga wacyigaliyo xanuunka HIV/AIDS iyo siyaabaha looga hortago ayaa maalmihii uu danbeeyay agaasimaha iyo koox uu hogaaminayaa ay ka wadeen gobolka Selel iyo deegaanada hoos yimaada.

 

 

Leave a Reply