Xoolaleyda Angola iyo Namibia oo ku hardamaya Daaqa

0
131

Boqolaal xoolo dhaqato ah oo reer Namibia ah oo xilliyada abaaraha ka gudba xuduudka Angola si ay daaq ugu helaan xoolahooda ayaa la weydiistay inay ka baxaan oo ay soo dalbadaan ogolaansho iyada oo Angola ay gacanta ku hayso xoolo-dhaqato sharci-darro ah oo dalkooda ku sugan.

Isbeddellada cimilada ayaa loo aanaynayaa kulaylka caalamiga ah ee keenaya hoos u dhac ku yimaada dhul-daaqsimeedka, kaas oo saameynaya socdaalka xuduudaha ee xoolo dhaqatada.

Immanuel Nangolo waxa uu haystaa 300 oo lo’ ah, marka daaqgu aanu jirin Namibia, waxa uu u socdaa dhinaca woqooyi ilaa Angola si uu u dajiyo xoolihiisa gaajeysan. Xayiraadaha cusub ee ay soo saartay dowladda Angola awgeed uma dhaqaaqi karo si xor ah sidii uu horay u sameyn jiray.

Nangola ayaa sheegay in dhul daaqsimeed ee Angola uu yahay mid ku filan oo xor ah,” halka Namibia, dhulku xidhan yahay oo aanay lo’diisu si xor ah u daaqi karin.

Walde Ndevashiya, oo ah gudoomiyaha gobolka Ohangewna ee waqooyiga Namibia, oo xuduud la leh Angola dhanka waqooyi, ayaa sheegay in xoolo dhaqatada wadaaga ah ee Namibia loo ogolaaday in ay daaqaan Angola. Laakiin hadda qaarkood waxay bilaabeen xanibaado.

Namibia ayaa u dirtay wasiirkeeda xidhiidhka caalamiga ah iyo iskaashiga, Netumbo Ndaitwah, si uu xal ugu helo dhibka jira dhiggeeda Angola, Tete Antonoi, wasiirka xidhiidhka dibadda.

Ambassador Penda Naanda, oo ah afhayeenka dawladda Namibia ee arrintan, ayaa tidhi, “Namibia waa waddan abaartu ku timaado…

“Taasina waxay lagama maarmaan ka dhigtay Xoola dhaqatadayadu u tallaabaan Angola, laakiin labada waddan waxay sii wadaan inay ka wadahadlaan oo ay eegaan sida ugu wanaagsan ee ay u xallin karaan arrintan,” ayuu yidhi.

 

Leave a Reply