Hogaamiyihii hore ee Nagorno-Karabakh oo la soo xidhayo

0
99

gaadheen markii Azarbajan qabsatay.

Harutyunyan wuxuu hogaamiyay gobolka go’ay, kaas oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay inay qayb ka tahay Azerbaijan laakiin ay inta badan ku noolaayeen qowmiyadaha Armenian, intii u dhaxaysay May 2020  iyo bilowgii Sebtembar. Dhowaan ayey ahayd markii dowladda gooni u goosadka ah ayaa sheegtay in ay iskeed isu kala diri doonto dhamaadka sanadka 2023-ka kadib saddex iyo toban sano oo ay raadineysay madax banaani.

Bilayska Asarbayjaan ayaa xidhay mid ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee Harutyunyan, Ruben Vardanyan, Arbacadii isaga oo isku dayayay inuu u gudbo Armenia isaga iyo tobanaan kun oo kale oo ka cararay markii todobaadkii hore si ay dhib yar Azarbajan u qabsatay Nagorno-Karabakh.

Harutyunyan iyo taliyihii hore ee militariga, Jalal Harutyunyan, ayaa lagu eedeeyay inay gantaallo ku rideen magaalada saddexaad ee ugu weyn Asarbayjan, Ganja, intii lagu jiray dagaal 44 maalmood socday dabayaaqadii 2020, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah. Iska horimaadka dhexmaray ciidamada Asarbayjaan iyo ciidamada Nagorno Karabakh ayaa sababay in ciidamo nabad ilaalin ah oo Ruushka ka socda la geeyo gobolka.

Ku dhawaaqida amarka xadhiga ee uu ku dhawaaqay dacwad oogaha guud Kamran Aliyev ayaa ka tarjumaysa rabitaanka Asarbayjan ee ah in ay si degdeg ah oo xoog ah u dhaqan galiso qabsashadeeda gobolka kadib sodon sano oo ay colaadi kula jirtay dawlada gooni u goosadka ah.

Iyada oo Baku uu ballanqaaday inuu ixtiraamayo xuquuqda qowmiyadaha Armenian ee Nagorno-Karabakh, qaar badan ayaa u qaxay cabsi ay ka qabaan aargoosi ama lumiyay xorriyadda ay ku isticmaalaan luqaddooda iyo inay ku dhaqmaan diintooda iyo caadooyinkooda dhaqameed.

Warbixin kooban oo uu qabtay Axaddii, xoghayaha warfaafinta ee madaxtooyada Armenia, Nazeli Baghdasaryan, ayaa sheegay in 100,483 qof ay hore u soo gaadheen Armenia oo ka yimid Nagorno-Karabakh, oo ay ku nool yihiin ilaa 120,000 ka hor weerarka Asarbayjaan.

Dadka qaar ayaa safaf dhaadheer u galay maalmo si ay uga baxsadaan gobolka sababtoo ah dariiqa kaliya ee loo maro Armenia – waddo buuraley ah – waxa ay ku xayirmeen baabuur qunyar socod ah.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa Axaddii gaaray magaalada Nagorno-Karabakh si ay u kormeeraan xaaladda. Hawlgalka ayaa ah kii ugu horreeyay ee ururka uu ku tago gobolka muddo soddon sano ah, iyadoo ay ugu wacan tahay “xaaladda juqraafiyeed ee aad u adag oo jilicsan” halkaas, afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa u sheegay suxufiyiinta Jimcihii.

Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ku gacan seyray socdaalkaas mid rasmi ah. Hunan Tadevosyan, af hayeenka adeegyada degdegga ah ee Nagorno-Karabakh, ayaa sheegay in wakiillada Qaramada Midoobay ay aad u daahdeen tirada dadka rayidka ah ee ku hadhay caasimadda gobolka ee Stepanakert  lagu tilmaami karo faro ku tiris.”

 

Leave a Reply