Qurba-Joogta Yuhuuda ee Duinda oo Dabaaldegii Ciiduhu isu beddeleen murugo

0
91

Qurba-joogta Yuhuuddu waxay Sabtidii ku soo tooseen naxdin iyada oo la sugayey wakhtiyada ugu farxada badan taariikhda fasaxyada Yuhuudda.

Weerarada kooxda Xamaas ayaa yimid xilli uu dhammaaday dabaal dega Sukkot, oo ah dabaaldag todobaad socday oo lagu xusayay xilliga beer goosashada iyo wakhtigii ay Yuhuuda ku noolaayeen saxaraha ee addoonsigii Masar ee laga xoreeyey sida ay sheegaan.

Sidoo kale waxa ay ku soo beegantay xilli dadka Yuhuuda ah ee qurba-joogu ay isu diyaarinayaan inay u dabaaldegaan ciida kale ee Tawreed ama Simchat Tawreed, taas oo ka dhigan bilawga wareegga cusub ee akhrinta buugaagta oo sannad kasta laga xuso Israa’iil maalin ka hor.

Sunagogyada adduunka oo dhan, weerraradu waxay ku keeneen murugo, iyaga oo sugayey sidaa si ka duwan.

Raabbi Felicia L. Sol ayaa subaxnimadii Sabtidii furtay macbadka B’nai Jeshurun ​​ee magaalada New York iyada oo u sheegtay dadkii yimi khasaarihii ba’naa ee ka dhashay weerarka Xamaas ee ka yimid cirka, badda iyo dhulka.

Wakhti la rabay in ay farxad  buuxda, qaar badan ayaa taa beddelkeeda galayay “fasaxa annaga oo og in aynaan suurtogal ahayn in aan u dabbaaldegno si la mid ah sidii aan u dabaaldegi lahayn haddii ay caddahay in tani aanay dhicin,” ayay tidhi.

Maalintaas, waxay tidhi, wax yar ayaa socon doona iyada oo dadweynihii isugu soo ay taaageereen duco  ayey barayayeen in wax la xaliyo, kuwii dhaawacmayna ay bogsadaan waxaanay rajeeyeen in laga baxo dhammaan xannuunkii hore u jiray iyo kan cusuba. ”

Soo galitaanka ciida Simchat Torah iyo weerarkani waxay dib u soo noolaysay xusuus xannuun badan oo ku saabsan dagaalkii bariga dhexe ee 1973 ku dhawaad ​​​​50 sano maanta oo kale, kaas oo Masar iyo Suuriya ay weerar lama filaan ah ku qaadeen Yom Kippur, maalinta ugu muqadisan Yuhuudda oo ay ugu yeedhaan wakhtiga kafaaraggudka iyo cafiska.

Jack Rosen, oo ah madaxa Congress-ka Yuhuudda Maraykanka  ayaa  sheegay in marar badan dhacday in Israa’iil la weeraro xilliyada ciidaha “Waxay ila tahay in ay taasi marar badan ka dhacday, in Israa’iil inta badan la weeraro ciidaha ama sabtida.” ayuu yidhi. “Markaa uma maleynayo in taasi tahay shil.” Ayuu sii raaciyey.

Weerarku waxa uu dhaleecayn kala kulmay bulshooyinka Yuhuuda iyo ururada ka soo jeeda Miami ilaa Vancouver. Dadka Yuhuuda ah ee ku nool Maraykanka ayaa lagu qiyaasay 7.5 milyan sanadka 2021 xarunta cilmi baadhista ee Pew, oo bulshooyin muhiim ah ku leh aagagga New York iyo Los Angeles.

Inta lagu jiro fasaxa Simchat Tawreed, dadku waxay ku soo ururaan qoob-ka-cayaaraha iyaga oo wata buug-gacmeedyo muujinaya dhammaadka wareegga akhriska sannadlaha ah iyo bilowga kan xiga.

Maxim Jacobs, oo 48 jir ah, ayaa sheegay in niyaddu ay murugo badan tahay inta lagu guda jiro adeegyadii subaxnimadii Sabtida ee sunagoggiisa ee New Jersey, iyada oo cibaadaystayaashu ay ka walaacsan yihiin qoysaska Israa’iil.

Qurba-joogta Israa’iil ka wer-wersana dagaalka oo keliya qaar badan waxay u baqayaan ammaankooda. Dalal Yurub ah ayaa kordhiyey ammaanka xarumaha Yuhuuda ee dalalkaa, sida Germany, France iyo UK. Wadamadaas waxa ka jira Muslimiin badan oo taageeray Weerarada Falastiin.

 

 

Leave a Reply