Nolosha Qoyska Wanaagsan

0
164

Waxay ahaayeen qoys sabool ah aan haysan wax dhaafsiisan nolol maalmeedka, habeenimadii ayay gabadhiisu ka codsatay inuu usoo iibiyo Gadhfeedha timaha. Markiiba wuxu ugu jawaabay isagoo aad u murugaysan “Ma karayo, waayo saacadaydaba waxa ka go’ay suunkii waan iibsan kari waayay”? Laakiin niyadiisa oo ay ogayd lamay murmin waxayna u muujisay dareen wanaagsan.

Malintii labaad markii uu shaqadii dhameeyay ayuu suuqa tegay waxaana uu qiimo yar ku iibiyay saacadiisa, ka dibna wuxu iibiyay gabadhiisa Gadhfeedhii.   Laakiin markii u guriga yimi wuxu arkay gabadhiisa oo timaheedii gaabisay , isla markaana gacanta ku haysa suun ay saacadiisa usoo iibisay. Way is eegen isagoo mid kasta murugoonaya kalagacal awgeed.  Waa lamaane mid waliba uu doonayay inuu dhamaystiro kan kale baahidiisa isagoo tiisa iskaba ilaabay. Waana dhaqanka iyo akhlaaqda nolosha qoyska wanaagsan.   Kitaabka (Qoyska Islaamka)

Leave a Reply