Aqoondaradii Gumaysiga Sababtay!

0
88

Waxay ku nool yihiin Maraykanka , waxayna degan yihiiin deegaano ay ku yar tahay adeegyada waxabarashada iyo caafimaadka, dhalinyaradooda waxa haysata fakhri aad u ballaadhan.

Waxay caadaystaan daroogada iyo isdilka oo joogto u ah, ka dib markii ay ku qanci waayeen nolosha ay ku jiraan. Waxay ka cabanayaan shaqo la’aan iyo cunsuriyad joogto taasi oo mararka qaar dilal loogu geysto.  Hogaamiyaha Qabiilada Hindida cas Mr.Black Haw ayaa dhawr qarniyo ka hor reer Yurubkii ku soo duulay ka sexeexeen qoraal ah inuu dego meelo gaar ah kana guuro magaalooyinka.

Sexeexa ayaa lagu sameeyaya baad shimbireed.  Mar danbe ayuu sheegay in aanu sidaasi  moodayn  maxa yeeelay waxba ma akhriyi jirin mana qori jirin. Sidaas ayay dalal badan oo reer Yurub ahi uga sexeexeen wixii ay iyagu rabeen shucuubtii badawda ahayd. Qabiiladan Hindida cas ayaan xuquuq iyo ixtiraam ku lahayn Maraykanka. Welina ku jirta nolol adag

 

 

 

Leave a Reply