Tartan Ciyaareed loo Qabtay Dhallinyarada Degmada Sallaxley

0
159

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta Wasaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland oo kaashanaya Xildhibanada dowladda Hoose degmadda Sallexlay ayaa koob Kubadda Cagta u qabtey dhalinyaradda Degmadaasi ku nool, kaasi oo dhallinyarada lagaga wacyigelinayo balwadaha kala duwan.

Koobkaasi kubadda cagta oo ay ku tartami doonaan 8 kooxood oo ka dhisan degmadaasi Sallexlay iyo kooxo ka socda deegaanadda hoos yimaadda Degmadasi Sallexlay, kana mid yihiin Balli- mataan iyo Ina-guuxaa, waxaanay siwada jira uga qayb gali doonaan koobkaasi.

Xaflad loo qabtey koobkaasi kubadda cagta ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socotey wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaraha Somaliland, maamulka dowladda hoose degmadda Sallexlay iyo qaybaha kala duwan bulshadda ku nool degmaddaasi.

Isu- duwaha wasaaradda dhalinyaradda a iyo ciyaraha Somaliland degmadaasi Sallexlay Cabdicasiis Colow, xoghayaha fulinta dowladda hoose degmaddaasi Sallexlay Khalid Ibrahim Xasan, duqa degmada Sallaxley Axmed Burrale, xubno ka socdey ganacsatada, waxaanay ku boggaaadiyeen masuuliyiintii soo qaban qaabisey koobkaasi ahmiyadda balaadhan u leeyahay dhalinyaradda ku nool degmaddaasi iyo deegaanadda hoos yimaada kaas oo lagaga wecyigalinaayo khataraha balwadaha, isla markasina isku dhexgalayaan dhalinayada korna u qaadaya isbarashadooda.

Gaba-gabadiina, agaasimaha guud wasaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaraha Somaliland Cabdirashiid Yaasiin Cilmi, ayaa ka waramay faa’iidada koobkaasi u yaana doono dhalinyaraddaasi ku dhaqan Sallexlay waxaanu uga mahadceliyey masuuliyiinta degmaddaasi Sallexlay sida dayarta uga warhayaan xaladooda, isla markaasina uga wecyigalinayaan Balwadaha kala duwan, waxaanu agaasimuhu u balan qaadey in maamulka degmaddaasi kala qaybgali doonaan deyrka lagu soo warejinayo Garoonka Degmaddaasi Sallexlay.

 

 

Leave a Reply