Qiima Dhac ayaa ku Yimid Shilinka Somaliland” Gudoomiyaha Baanka dhexe

0
119

Hargeysa (Dawan): Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somalilaland Cali C/laahi Daahir, ayaa ka warbixiyay xaaladaha sarifka lacagaha ee dalka.

Waxaanu sheegay guddoomiyaha baanka dhexe in qiimo dhac uu ku yimid lacagta shilinka Somaliland. Kadib ay bulshadu waayadanba ka cabanayso sicir-barar, iyo khal-khal ku yimid sarifka lacagaha.

Cali C/laahi Daahir, guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland waxa kaloo uu ka hadlay waxyaabaha sababay dhaqaale xumadda dalka soo waajahday.

Waxaanu yidhi “Waxaa mar kastaba jiraya waxyaabo sababaya in dhaqaaluhu hoos u dhaco. Taasoo saamayn ku keenta qiimaha lacagta shillinka Somaliland.

Baanka dhexe wuxuu masuul ka yahay kobcinta dhaqaalaha Somaliland. Waxa kaloo uu baanku ka masuul yahay inuu xukuumadda ka gacan siiyo ka tallo bixinta dhaqaalaha dalka, isla markaana uu deraasad sameeyo”.

Geesta kale Cali C/laahi Daahir, waxa uu sheegay in muddo hadda laga joogo laba bilood uu qiime dhac ku yimid lacagta shillinka Somaliland.

“Muddo hada laga joogo laba bilood qiimo dhac ayaa ku yimid lacagta shillinka Somaliland. Qiimihii uu markii hore taagnaa aad ayuu hoos iga dhacay, waxaana jira xaalado markay soo noq noqdaan sababa qiime dhaca lacagaha” ayuu yidhi guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland

 

 

Leave a Reply