Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo Sheegay Aqoonsiga Somaliland inuu Fursad u Yahay Ammaanka Geeska Afrika

0
144

In la aqoonsado Qarannimada Somaliland waxay wax ka tari doonta mustaqbal ammaan iyo barwaaqo  ah oo ay helaan dhammaan dadka Geeska Afrika.

 

Geneva-(Dawan):- Golaha Xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay ayaa laga soo jeediyey in aqoonsiga qarannimada Somaliland ay wax ka tari doonto mustaqbal ammaan ah oo ay helaan dhammaan dadka Geeska Afrika.

Kalfadhiga 54-aad ee Joogtada ah ee Golaha Xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay oo Salaasadii 10 October 2023 lagu qabtay Xarunta Geneva ayaa lagu dhegeystay dood la xidhiidha muhiimada aqoonsiga Somaliland.

Cali Maxamed, oo ka tirsan khuburada Golaha Xuquuqal Insaanka Qaramaada Midoobay oo qudbad ka jeediyey kulanka ayaa si weyn u ammaanay horumarka Somaliland waxaanu yidhi;

“Aqoonsiga Somaliland waxa uu wax weyn ka tari doonaa xasiloonida mandaqada, dhiirigelinta wada shaqaynta iyo wada hadalada u dhexeeya ummadaha. Somaliland waxay hore u muujisay inay tahay saaxiib la isku hallayn karo ee la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda, aqoonsigani wuxuu ugu yaraan xoojin doonaa iskaashigaas.”  Ayuu sheegay khabiir Cali Maxamed.

Khabiir Cali waxuu intaa ku daray, “In la aqoonsado Qarannimada Somaliland waxa ay ka qayb qaadanaysaa nabad iyo barwaaqo inay u horseeddo dhammaan shucuubta Geeska Afrika, taasina waa sababta aanu ugu baaqayno in aad gacan ka geysataan qadiyadan, si wadajir ah ayaanu uga dhabayn karnaa arrintan, oo dhiirigelinaysa. Dad badan oo Geeska Afrika ah iyo kuwa kaleba, waxaan bedeli karnaa habka taariikhda, waxaanan rejo gelin karnaa kuwii xorriyadda iyo dimuqraadiyadda u soo halgamay” ayuu yidhi.

Qadiyadda Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland inay gaadho xarunta Qaramada Midoobay ee Xuquuqal Insaanka ayaa la sheegaya inuu ku yimi dedaaladda madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo dublamaasiyiinta caalamka u jooga dedaal dheer ugu jira horumarinta qadiyadda aqoonsiga Somaliland.

 

Leave a Reply