Iibka Xoolaha ee Saylada Hargeysa oo sare u Kacay

0
101

Hargeysa (Dawan) – Iibka xoolaha ee Saylada Xoolaha ee magaaladda Hargeysa ayaa maraaya halkii u saraysay, iyada oo dhoofka xooluhu si xawli ah uga socdo dekedda magaaladda Berbera.

Qaar kamid ah shacabka ka ganacsada iibka xoolaha ee Sayladda magaaladda Hargeysa oo u waramaayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qiimaha ugu sareeya ee xooluhu uu maraayo 110 Dollar, iyada oo neefka ugu hooseeyaana maraayo 670,000 lacagta Somaliland ah.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka tirsan wakiillada shirkaddaha ka ganacsada xoolaha oo sheegay in iibka xooluhu uu si fiican uga soconaayo saylada xoolaha ee magaaladda Hargeysa, waxaanay cadeeyeen in xalay uu baxay Markab siday xoolo, halka uu caawana Markab kale baxaayo, kuwaas oo sida xoolo.

Dadka ka ganacsada xoolaha ayaa sheegay in xoolaha laga iibsanaayo Saylada magaaladda Hargeysa ay isugu jiraan qaar dibadda loo dhoofinaayo iyo kuwa magaaladda Hargeysa lagu qalaayo labada.

 

 

 

Leave a Reply