“Debis waxay ku jirtaa sideedda Seere-kaymeed ee dalka ka jira”

0
135

Dalkeenan jamhuuriyadda Somaliland ayaa la tilmaamaa in ay ku yaalaan ilaa 43 Seereyaal ah oo isugu jira Seere-daaqsimeedyo, xarumo dhir kobcin, iyo seereyaal lagu xanaaneeyo duur joogta.

Seereyaashaasi waxaa dhamaantoodba gacanta ku haysa ama maamusha dawladda gaar ahaana wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland.

Waxaana seereyaashaasi ka mid ah Seeraha ku yaalla degaanka Debis, oo ku yaalla degmadda Cadaadley, ee gobolka Maroodijeex, kaasoo bedka dhererkiisu dhan yahay marka la isku geeyo 9KM, iyo 7KM.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasiirka deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo wefti ay hogaaminayso ayaa 10-kii bishan kormeer shaqo ku soo maray degaanka Debis, oo ka tirsan degmadda Cadaadley, ee gobolka Maroodijeex, oo laga hirgalinayo mashruuc goob  dalxiis.

Deegaanka Debis, ee degmadda Cadaadley, ee gobolka Maroodijee, ayaa wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Somaliland waxay ka hirgelisay mashruuc isugu jira xanaanaynta duur joogta iyo Seere-kaymeed.

Kormeerkaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed  Axmed Caalin  (Tiimbaro), xildhibaan Siciid Sokeeye, oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland iyo xubno ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaraadda Deegaanka.

U jeedadda safarka wasiirka iyo masuuliyiinta la socday ayaa la xidhiidhay sidii ay u soo dersi lahaayeen, una soo af-jari lahaayeen cabasho ay dadweynaha degaanka Debis, ka muujiyeen mashruuca ay wasaaradda Deegaanka Somaliland ka wado degaankaasi.

Kaasoo lagu balaadhinayo mashruuca Seere-kaymeedka Debis, oo imika lagu daryeello xayawaanka Harimacadka, mustaqbalka na la rabo in ay noqoto goob dalxiiseed.

Wasiirka iyo masuuliyiintii kale ayaa intii ay ku sugnaayeen degaankaasi waxay kulamo ay cabashadoodda ku dhegaysanayeen la qaateen odayaasha, iyo waxgaradka degaanka Debis.

Xubnihii waxgaradka ahaa ee ay wasiirka Deegaanka Somaliland iyo masuuliyiinta la socday kulanka la qaateen ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay ka cabanayaan, iyo sida ay rabaan in wax looga qabto.

Halka sidoo kale wasiirka Deegaanka, iyo Isbedelka cimiladda Somaliland iyo masuuliyiinta kaleba ay bulshadda u sharaxeen muhiimadda mashruucaasi, iyo sida aanu caqabad ugu ahayn degaankoodda.

Wasiir Shukri Baandare, oo arrimahan ka hadlaysa waxay tidhi “Debis, waxay ku jirtaa sideedda Seere-kaymeed ee dalka ka jira. Sideedaasi Seere-kaymeed ee maanta wadanku uu leeyahay derejooyinka ugu horeeya ayay kaga jirtaa Debis.

Waddooyinka ayay aad ugu baahan tahay in loo sameeyo. Mashruuca halkan ka socda na dawladda Somaliland ayaa gacanta ku haysa.

Hadba wixii ay wasaaradu  tahlayso ee kuwa kalena la siiyo, ayaa la siiyaa, lagu na shaqaaleeyaa, oo ay dadku kaga shaqeeyaan mashruuca na hore loogu wadaa.

Mashruucani waxa uu iskugu jiraa

Seere, iyo Maymo. Kayntii imika way soo noqotay, intii aanu ilaalinaynay, ee Taarku ku xidhnaa, xoog ayay u soo noqotay dhirtii. Ugaadhii baa joogta, oo aanu iyad na ku xanaanaynaa. Intii hadhay oo ah marka gebigiisaba la isku geeyo 9KM, iyo 7KM.

Waxa kaloo jira 43 Seere-daaqsimeedyo ah, oo dalkoo dhan ku kala yaalla. Kuwaa na dawladu gacanta ayay ku haysaa, oo way ka wada war haysaa, Maababkoodii (khariidadoodii) ayay leeyihiin, mid waliba halka uu ku yaallo ayay og tahay wasaaradu, waanan ilaalinaa”.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa bulshadda degaanka Debis, ka codsatay in ay ma shaqeeyaan, isla markaana ay ku baraarugsanaadaan in dhulka ay dawladu ka masuul tahay.

“Waxaanu idinka doonaynaa in aynu si wanaagsan uga wada shaqayno shacab ahaan, oo aad soo jeedsataan.

Markaanu leenahay nala shaqeeya, waxa weeyaan in marka hore qof waliba uu niyadda geliyo in dhulka dawladu leedahay, oo ay ka masuul tahay, oo maahaariic loogu tallo galay in laga hirgeliyo.

Wixii loogu tallo galay na in ay sidoodda u fulaan, ayaanu anagu ka wasaarad ahaan masuul ka nahay.

Dadweynuhu dalkoo dhan si fiican bay noola wada shaqeeyaan, badhasaabyadda ayaa na la shaqeeya, maayarrada ayaa na la shaqeeya. Shicibkii ayaa hadaba hadhay. Shicibkoow ogaada in idinkana ay masuuliyadiina tahay in aad nala shaqaysaan” ayay tidhi wasiirka Deegaanka Somaliland.

Dhinaca kale wasiirka Deegaanka Somaliland ayaa ugu baaqday ganacsatadda in faa’iidadda ay dalka ka helaan ay wax dib ugu soo celiyaan deegaanka, isla markaana ay wasaaradda deegaanka wax ku taraan.

Waxaanay wasiirki ganacsatadda dalka u soo jeedisay in looga baahan yahay in deegaanka, iyo khayraadka ummada la wada dhisto, kadib na ay iyagu wasaarad ahaan bulshadda uga sii faa’iideeyaan.

“Qolooyinka ganacsatda ah ayaan la hadlayaa maanta, khayraad uu wadanku leeyahay oo dhan, ganacsato ayaa ka faa’iida, lacagta ay dalka ka helaan faa’iidadda uu u keenayo, waxay soo saarayaan waa deegaanka, oo ay wax ku taraan. Wasaaradda deegaanka in ay la shaqeeyaan, oo ay wax ku taraan.

Deegaanka, iyo khayraadka ummada in la wada dhisto ayaa la doonayaa. Ummadu na ay uga faa’iiddo sida ay ganacsatadu uga faa’iidayaan dadku na uga faa’iido, oo anagu na aaanu

Leave a Reply